4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Al-shabaab oo sheegatay Ismiidaamin lagu weeraray gaadiidka AMISOM

Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerar ismiidaamin ah oo kolonyo gaadiidka AMISOM ka tirsan lagula beegsaday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye gellinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inuu ahaa mid qorsheysan qaybna ka ah weerarrada ay la beegsanayaan ciidanka AMISOM ee ku sugan guud ahaan Soomaaliya.

“Mujaahidiinta wuxuu Alle ku guuleeyay inay weerar ismiidaamin ah la beegsadaan gaadiid ay wateen AMISOM oo marayay deegaanka calamada oo ku yaalla jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, khasaare xooggan ayaana la gaarsiiyay,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isna ka hadlay weerarka ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen toddoba ruux oo isugu jiray ciidamadda AMISOM iyo ajnabi la socday.

“Dadka dhintay waxaa ku jiray saddex ruux oo ajnabi ah,” ayuu yiri Abuu-Muscab oo intaas ku daray inay weerarkaas ku burburiyeen qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan, ayna arkeen uuro madow oo ka baxaysa halkii gaadiidka AMISOM lagula eegtay qaraxa ismidaaminta ah.

Ma jiro hadal kasoo baxay taliska AMISOM oo ay kaga warbixinayaan Ismiidaamintii lala beegsaday gaadiidkooda marayay waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo uu fuliyay weerarkaas ruux naftiis hure ah oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay weerar ismiidaamin ah la beegsadaan kolonyo gaadiid ah oo ay wataan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli Al-shabaab laga qabaday degmooyin iyo deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya