4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Xaflad lagu Taageerayay Muun-gaab oo lagu Qabtay Koonfur Afrika


Talaado, Maarso 10, 2014 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu taageerayay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo ay ka qayb-galeen boqolaal qof ayaa lagu qabtay xalay deegaanka ay Soomaalidu ku badan tahay Bellville South oo ka tirsan magaalada Cape Town ee  dalka Koonfur Afrika.

Xafladda ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay guddi gaar ah oo isku xil-saaray, iyadoo lagu casuumay qaybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool Koonfur Afrika sida: culummada, odayaasha, wax-garadka, haweenka, bahda saxaafadda iyo ardayda.

Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa khadka taleefoonka uga ugu qayb-qaalay, Jen. Muun-gaab oo la hadlay boqolaalkii qof ee ka qayb-galayay xafladda lagu taageerayay, wuxuuna ugu horreyn u mahad-celiyay dhammaan dadkii madasha joogay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu nabadeyn doono gobolka Banaadir isla markaana uu dib u soo celin doono bilicdii iyo sumcadda Muqdisho  ay lahayd.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu la tashan doono dadka deggen 17-ka degmo ee uu ka koobay gobolka Banaadir iyo wax-garadka magaalada Muqdisho.

Dadkii xalfladda soo xaadiray oo aad u badnaa ayaa waxay wateen calanka Somalia iyo funaanado uu ku buufsan yahay sawirka Jen. Muun-gaab; waxaana xafladda ka hadlay mas’uuliyiin aqoon durugsan u leh duqa Muqdisho, waxayna dhamaantood caddeeyeen in Muun-gaab uu kasoo billaabay meel aad u hooseysa, isla markaana uu halkan kusoo gaaray wax-qabadkiisa iyo howl-karnimadiisa, taasoo aan horay loogu arag mas’uul Soomaaliyeed, iyagoo u rajeeyay inuu howsha halkaas kasii wado.

Xafladdan mid la mid ah ayaa waxay ka dhacday gobolka Limpopo oo dad badan oo Soomaaliyeed ay ku qabsadeen xaflad lagu taageerayay Jen. Muun-gaab waxayna noqonaysaa xafladdii ugu horreysay ee lagu taageero Muun-gaab oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika.

Dhanka kale, waxaa la qorsheynayaa in xaflad kuwan la mid ah ay magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afirka ka dhici doonto maalmaha soo socoda.

Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
[email protected]
Cape Town, South Africa