4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Rag loo qabtay burcad-badeednimo oo dalka Yemen lagu xukumay

Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Maxkamadda rafcaanka magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayaa xukuntay 11 nin oo Soomaali ah. Nimankan oo midkiiba lagu xukumay xarig ay muddadiisu tahay 10sano, waxaa lagu soo eedeeyey dembi ay inay isku dayeen afduubka markab marayey biyaha dalka Yemen.

Maxkamadda derejada 1-aad ee Yemen ayaa sanadkii 2010kii waxay ragga Soomaalida ah ee lu xukumay ku heshay danbi ah inay iskudayeen afduubka markab shisheeye oo marayey Badda Yemen bishii Feberaayo ee sannadkii 2009.

Caddaymaha ay maxkamaddu haysay waxaa kamid ahaa in xilligii gacanta lagu dhigayey ay wateen qoryaha fudud ee darandoorriga u dhaca ee AK-47, garneyllo iyo weliba jaranjarooyin lamid ah kuwa ay burcad-badeedku adeegsadaan.

Ma ahan markii ugu horreysey oo maxkamad dalka Yemen ku taallaa ay xukun ku riddo Soomaali lagu soo eedeeyey inay burcad-badeed yihiin, haseyeeshee dhowr mar oo hore ayaa sidan oo kale maxkamado dalkaas ku yaallaa waxay xukunno kala duwan ugu rideen tobannaan Soomaali ah oo burcad-badeenimo ku eedeysnaa.

Weerarrada burcad-badeedka Soomaalida oo heerkii ugu sarreeyey gaaray sannadkii 2011, markaasoo ay qaadeen 176 weerar, ayaa si aad ah hoos ugu dhacay sanadkii tegey 2013. Inta la xaqiijiyey 7 weerar oo keliya ayey burcad-badeedku qaadeen iyagoo aan ku guuleysan in ay hal markabna si buuxda gacanta ugu dhigaan.

Xigasho: AFP

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya