4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
XILDHIBAAN SHIIRAAR: Warka la iga baahiyay waa mid aysan waxba ka jirin

Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Cali (Shiiraar) oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay war lagu daabacay shabakad ka mid ah kuwa Soomaalida, taasoo lagu sheegay in xarigga xildhibaanka uu ka dambeeyay wasiirka cadaalada iyo arrimaha dastsuurka xukuumadda Soomaaliya.

Mudanaha oo la hadlay HOL ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aysan waxba ka jirin oo been abuur ah, isla markaana uusan xariggiisa Faarax C/qaadir ka dambeyn, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo cidda xirtay iyo sababaha loo xiray.

“Warka lagu daabacay shabakadda Caasimadda waa mid aan jirin oo been-abuur ah, mana  aqaanno website-kaas mana jiro wareysi aan siiyay iyo qoraal aan u diray intaba, iyagaana laga doonayaa inay caddeeyaan meesha ay warka ka keeneen,” ayuu xildhihbaan Shiiraar yiri.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha ay yihiin laba mas’uul oo u siman, aysanna jirin wax ka dhexeeya oo aan ka ahayn inay siyaasadda kuwada jiraan.

“Madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha ma jirto cid aan xulufo la ahay ama ay saaxiibnimo gooni ah naga dhexeyso, waxa keliya ee naga dhexeya waa sidii aan dalka horumar u gaarsiin lahayn uuna uga bixi lahaa dhibkii uu kusoo jiray muddada fog,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa raaciyay.

Shakabaddan ayaa maanta oo Talaado ah qortay in xildhibaanku uu u soo diray qoraal uu ku sharraxayo khilaaf isaga iyo Faarax C/qaadir dhexmaray, kaasoo markii dambe sababay in xabsiga loo taxaabo.

“Ma jiro qoraal aan diray iyo cid aan wareysi siiyay, sharci ahaanna maba dhici karto in wasiir uu amar siiyo ciidamada nabadsugidda oo ay xildhibaan xiraan. Balse xariggayga iyo sababaha la ii xiray ma doonayo in saxaafadda aan uga hadlo, waxaanse u gudbiyaan hay’adaha ay quseyso,” ayuu Shiiraar ku yiri wareysiga uu siiyay HOL.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in isaga iyo Faarax C/qaadir ay yihiin laba ruux oo saaxiibbo ah, xildhibaannana isla ah, balse arrintan ay tahay mid ay siyaasadeeyeen dad dano gaar ah leh, mana ahan saxaafadda in loo istimcaalo sidii siyaasiyiinta Soomaaliyeed la isaga horkeeni lahaa.

“Faarax C/qaadir waa nin saaxiibkey ah, ma jiro wax khilaaf ah oo aniga iyo isaga na dhexmaray, waxaana heshiis ku nahay inaan kawada shaqeyno sidii uu dalkan horumar ku gaari lahaa, ugana bixi lahaa dhibaatada,” ayuu mar kale yiri xildhibaan Shiiraar.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa ugu baaqay warbaahinta Soomaalida qaar inay hubiyaan wararka ay qorayaan, sidoo kalena ay joojiyaan in mas’uul dowladda ka tirsan ay ku been abuurtaan, taasoo wax u dhimi karta howlaha ay bulshada u hayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya