4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Baaritaan lagu Adkeynayo Amniga oo ka socda Degmada Jowhar (SAWIRRO)


Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Baaritaanno lagu xaqiijinayo ammaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayay booliisku Soomaaliya ka wadaan degmadaas, iyadoo howlgalladu ay soo billowdeen xalay ayna socdaan illaa maanta.

Ciidanka booliiska ayaa baaritaanno ku sameynayay gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana xaafadaha Jowhar lagu arkayay ciidan fara badan oo baaritanano ku sameynaya gaadiid kala duwan.

Taliyaha booliiska gobolka Shabeellada dhexe, Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa u sheegay warbaahinta in baaritaannadan ay yihiin kuwo amniga degmadaas lagu adkeynayo, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Al-shabaab ay qorsheynayso in weerarro ay ka geysato magaalooyinka ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan ayaanay jirin cid lagu soo qabtay; iyadoo magaalada maanta si weyn looga dareemayay howlgallada baaritaannada ah; iyadoo baaritaanku uu ahaa mid ay fulinayeen ciidammo si gaar ah loogu soo tababaray ka hor-tagga waxyaabaha qarxa.

Baaritaannadan ayaa imaanaya xilli shalay qarax is-miidaamin ah oo ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay meel ku dhow deegaanada Xaawo Cabdi ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo ay sheegatay Al-shabaab.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid ay uga aar-gudanayeen hoggaamiyahoodii la dilay, Axmed Cabdi Godane oo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku beegsadeen meel ku dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose toddobaadkii lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya