4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Danjiraha China ee Qaramada Midoobay oo ka digay in carruurta la askareeyo

Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Ergayga joogtada ah ee dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay   Liu Jieyi ayaa sheegay  in wadamada  colaaduhu ay  ka jiraan lagu dhibaateeyo caruurta da’doodu ay ka hooseeyso 18-sano jirka ,isaga oo u digay cid kasta oo arimahan ku lug yeelan karta

“Waxaa jira meelo badan oo colaado ay ka dhacaan ,balse caruurta ayaa ah kuwa ugu nugul in dhibaatadu ay markiiba gaarto “ ayuu yiri  Liu oo ka hadlayay dood golaha amniga uu  ka yeeshay arimaha caruurta dunida shalay oo isniin ahayd.

“Shiinaha waxa uu qaadacayaa uuna canbaaraynayaa in caruurta loo adeegsado dagaallada iyo colaadaha ,waana soo dhaweynaynaa qorshayashaa arintan looga hortagayo ee Qaramada Midoobay ay waddo “ayuu hadalkiisa ku daray.

Wadamada caruruta askareeya oo ay Somaliya ku jirto sida la sheegay ayuu ugu baaqay in ay  ka digtoonaadaan danbiyadan,isla markaana ay ka baaqsadaan in caruurta loo adeegsado dagaallada,isaga oo codsaday in sharciyo adag lagu so rago cid lagu helo danbiyadaas.

Sidoo kale waxa warbixin ka so baxday Qaramada Midoobay lagu xusay in wadamada kala ah Afghanistan, Chad, Democratic Republic of Congo, Myanmar, Sudan, South Sudan, iyo Yemen ay ku jiraan meelaha ugu badan ee caruurta lagu askareyo.

Ugu danbayntii danjirahan ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in ay la shaqayso cid kasta oo ka shaqaynaysa in laga hortago askaraynta caruurta,isaga oo tilmaamay in ururro aan dowladi ahayn ay arintan ku lug –leeyihiin.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]