4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Kulan lagu taageerayay guulaha Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ka dhacay


Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen ururrada bulshada rayidka ah ee Muqdisho ayna soo qabanqaabisay hay’adda CCD oo laguna taageerayay guulaha ay ciidamada dowladu gaareen oo maanta Muqdisho lagu qabtay.

Muxyadiin Xasan Afrax oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in haddii bulshada iyo askarta amniga ay dhexmarto wada-shaqeyn lagu guuleysan karo sugida amniga guud ee dalka.

"Haddii ururada bulshada rayidka ah iyo hay'adaha amniga dowladda ay dhex-marto wada shaqeyn buuxda waxay ku guuleysan karaan inay sugida amniga, mana dhici doonto in dalkan ay ku dhuumaaleystaan kuwa doonaya inay dhibaatada geystaan,” ayuu yiri Afrax.

Sidoo kale, Islow Maxamed Yuusuf oo hadal kooban ka jeediyay kulankaan ayaa ka hadlay doorka ururada bulshada rayidka, isagoo xusay in kulamada noocan ah ay ka turjumayaan in loo heelan yahay nabad, horumar iyo dib u dhiska dalka.

Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo oo ka mid ahaa madax dhaqameedyadii ka qaybgalay kulanka ayaa isna sheegay inay u arkaan dilkii hoggaamiyihii Al-shabaab guul caalamka u soo hoyatay, gaar ahaan Afrika, isla markaana loo baahan yahay in guushaas la xajisto.

C/kariin C/llaahi Cali ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan baaqa dowladda ee in muddo 45 cisho gudahood ah ay isku soo dhiibaan dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay ka faa'ideystaan muddada loo qabtay.

"Fursada ah in 45 maalmood la isku soo dhiibo waxaa dhihi karaa waa baaq mudan in la soo dhaweeyo, maxaa yeelay waddada ay ku socdaan ma ahan mid dan u ah ama wax ay ku baranayaan amaba mustaqbalkooda ku hagaagi karo," ayuu yiri C/kariin.

Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka mid ah ururada haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in haweenka loo baahan yahay deegaannadii u dambeeyay ee laga qabsaday Al-shabaab inay ka sameeyaan wacyi-gelin iyo inay shacabka kala qayb-qaataan soo celinta adeegyadii aasaasiga ahaa, sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Afhayeenka wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf oo ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in amniga laga shaqeeyo, isla markaana la is-abaabulo rag iyo dumar.

'Haddii Godane la dilay, godanayaal kale ayaa jira, waxaa nagala doonayaa inaan dowladda la shaqeynno, haweenka ay qaataan doorka ugu badan, in aan culeyskaas dowladda keliya lagu sii deyn oo lagala qayb-qaato sugidda Amniga," ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Ugu dambeyn, ururrada bulshada ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan baaqa dowladda Soomaaliya ee ku aaddan cafiska muddada 45 cisho ah ee loo fidiyay dhallinyarada ka bar bar dagaalanta Al-shabaab si ay uga soo baxaan, ugana qayb-galaan sugidda amniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya