4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Wasiirka ganacsiga PL oo sheegay in la kala diray hogaanka Rugta Ganacsiga

Wasiirka Ganacsiga Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cade

Talaado, September 09, 2014 (HOL) —Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland ayaa soo saartay amar lagu kala dirayo hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Soo-cade ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo bisha September ay sagaal tahay aanay sii shaqeyn doonin xubnaha guddiga sare ee Rugtu.

Go'aankaas isaga ah wuxuu Wasiirku ku tilmaamay mid sharciga waafaqsan, isagoo u sababeeyey in hoggaanka Rugta Ganacsiga waqtigoodii uu dhamaaday, lana joogo xilligii doorasho hor leh la geli lahaa.

Dhan kale, madaxda Rugta Ganacsiga oo aan khadka telefoonka kula xiriiray ayaa warka kasoo baxay Wasaaradda ku tilmaamay mid layska yiri wax sharci ahna aan ku salaysnayn.


Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland, Siciid Xuseen Ciid


Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Xuseen Ciid ayaa Hiiraan Online u sheegay in Rugtu ay tahay hay'ad madax bannaan, cidda keliye ee awoodda u leh inay hoggaankeeda kala dirtana ay tahay Madaxweynaha Puntland iyo guddiga sare ee ganacsatada xubnaha ka ah Rugta.

" waxan is weydiineynaa awoodda intaas le'eg meesha uu wasiirku ka keenay?...Sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaal ayaan u daynaynaa inay wax ka yiraahdaan...hoggaanka rugta waxaa kala diri kara Madaxweynaha Puntland iyo boodhka rugta..." Ciid ayaa sidaas yiri.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland oo ah hay'ad madax bannaan taaso ay ganacsatada Puntland ku mideysan yihiin kana shaqeysa danahooda gaarka ah, si toos ah uma hoos tagto Wasaaradda Ganacsiga, haseyeeshee kaalinta Wasaaradda ayaa ah keliya inay kormeerto dushana kala socoto.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya