4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
C/WELI: Mar walba oo Awooda argagaxisada la wiiqo waxay dilaan shacabka

Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed ayaa cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, kaasoo lagu dilay dad shacab ah oo waxba galabsan ayna sheegatay Al-shabaab.

Mudane C/weli Sheekh ayaa ku tilmaamay qaraxa mid waxashnimo ah oo lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo tacsi u diray ehelkii dadkii ku dhintay, kuwii ku dhaawacmayna Alle uga baryay inuu caafimaad siiyo.

"Waxaan weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan sidii aan uga hortegi lahayn argagaxisada, si ay dadkeennu ugu noolaadaan nabad iyo heshiis," ayuu yiri C/weli oo raaciyay hadalkiisa. "Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaas."

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. "Weerarkani wuxuu daliil u yahay inay quus taagan tahay argaggixisada, kuwaasoo waayay dhammaan meelihii ay awoodda ku lahaayeen. Wuxuuna qaraxn yimid markii aan kaga guulaysanay nabad-diidka, sidoo kalana aanu dilnay hoggaamiyahoodii.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in mar walba oo la wiiqo awoodooda ay dadka rayidka ah ee aan waxba geysan laayaan. “Hore ayaannu u soconnaa,” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh.

Weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo ku tilmaantay mid ay ugu aargudayaan hoggaamiyahoodii la dilay, iyagoo ku goodiyay inay sii socon doonaan weerarrada noocan oo kale ah.

Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan soo saartay digniin la xiriirta inay dhici karto in Al-shabaab ay soo qaaddo weeraro, kuwaasoo ay bartilmaameed uga dhigan karaan laamaha dowladda iyo dadka shacabka ah maadaama la dilay hoggaamiyahoodii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya