4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Hoggaanka cusub ee Ururka Saxafiyiinta P/land oo maanta xilka la wareegey

Isniin, September 08, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Ururka Saxafiyiinta Puntland (MAP) Faysal Khaliif Barre iyo guddoomiyihii hore Burhaan Axmed Daahir.

Xafladda xil-wareejinta oo si habsami leh u dhacday waxaa ugu horreyn ka hadlay guddoomiyihii hore Burhaan Axmed Daahir oo isagu si kooban uga sheekeeyey taariikhda ururka iyo waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu jiray.

Mudane Daahir ayaa sheegay in ururka la asaasay January 28, 2009, laga soo bilaabo xilligaas wuxuu sheegay in ururku uu horumarro badan sameeyey. Waxqabadyada ugu muhiimsan ee lagu xusuusto wuxuu ka xusay tababarista iyo kor u qaadista aqoonta weriyeyaasha, u qareemiddooda iyo weliba sidii laysugu xiri lahaa bahda saxaafadda Puntland iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in si hufan uu xilka ugu wareejiyo guddoomiyaha cusub oo sida uu tilmaamay ah qofti karti badan, hufan kana mid ah xubnihii ugu firfircoonaa ee qaybta wayn ka qaatay dhismaha Ururka MAP heerka uu maanta joogana soo gaarsiiyey.

Faysal Khaliif Barre oo isaga dhowaan loo doortay guddoomiyaha cusub ee Ururka Saxafiyiinta Puntland ayaa uga mahadceliyey guddoomiyihii hore sida hufan ee uu xilka ugu wareejiyey, isagoo dhammaan bahada saxaafadda ee Puntland ka codsaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ilaahna ka baryey in xilka uu qaaday uu u fududeeyo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indho-guran oo ugu dambeyntii goobta ka hadlay, ayaa kula dardaarmay weriyeyaasha Puntland inay isku duubnaadaan si hagar la'aan ahna ay ugu shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo sumcadooda wax u dhimi kara.

Ururka Saxafiyiinta Puntland MAP oo ay xubno ka yihiin in ka badan 190 wariye, waxaa la asaasay sanadkii 2009.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya.