4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Nabadoon ku dhintay Qarax ka dhacay deegaanka Buur-weyn ee Buula-burte

Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka ayaa sheegaya in iska-horimaad iyo qarax miino goor uu  ka dhacay deegaanka Buur-weyn oo ka mid ah deegaannadii dhawaan laga saaray Xarakada Al-shabaab.

Iska-horimaadka ayaa dhacay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab jidgooyo u dhigteen kolanyo gadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo ka anbabaxay degmada Buula-burte, waxaana wararku sheegayaan in mid ka mid ah gadiidka lala eegtay miino sababtay dhimashada nabaddoon Axmed Cabdi Caalin oo markii hore uu soo gaaray dhaawac, balse goor dambe u dhintay, waxaana sidoo kale dhaawacmay dadkii la socday gaarigaas.

Wariye ku sugan degmada Buula-burte oo aan goor dhaw xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in degmada Buula-bure la gaarsiiyay dhaawaca labo ruux oo uu ka mid yahay nabadoon Axmed Cabdi Caalin, inkastoo nabaddoonku uu u dhintay dhaawicii soo gaaray.

“Buula-burte waxaa hadda la soo gaarsiiyay dhaawaca nabadoon Axmed Cabdi Caalin, iyo darawalkii gaariga wadday, balse nabaddoonka ayaa u dhintay dhaawicii soo gaaray,’’ ayuu yiri wariyaha la hadllay HOL.

Wararka ayaa intaa ku darraya in ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM toogasho ku dilleen inta badan kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana waqtigan ka socda deegaanka Buur-weyn howlgal ay waddaan ciidamada is baheysanaya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen degmada Jalalaqsi  iyo deegaannada ku hareereysan.

C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya