4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
CIISE DHOLAWAA: "Puntland Cidna Marti uga Noqonmayso Shidaalkeeda"

Isniin, September 08, 2014 (HOL) —Maamulka Puntland ayaa si kulul uga jawaabay war dhowaan kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka oo ahaa in shirkadaha shidaalku aanay wax heshiis ah la geli karin maamullada ka jira dalka.

Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland Ciise Maxamuud Dhool-waa oo maanta magaalada Boosaaso shir-jaraa'id ku qabtay, ayaa sheegay in Puntland aanay cidna marti uga ahayn wixii khuseeya shidaalka iyo macaadinta dhulkeeda ku jira.

Dhoola-waa ayaa sidoo kale sheegay in dastuurka dalku uu xaq u siinayo Puntland iyo maamulalda kale wixii khuseeya maaraynta khayraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macaadinta kale ee dhulka laga soo saaro.

"Dastuurka Puntland iyo kan  Federaalka ayaa qeexaya arrintaas, niman iska riyoonaya ayaan u arkaa, waxay muujinaysaa shidada ay wadaan hadda oo xiririka Federaalka iyo Puntland uu go'an yahay..." Agaasimaha Macdanta iyo Batroolka Puntland ayaa sidaas yiri.

Muranka la xiriira heshiisyada dhanka macdan iyo shidaal baarista ayaa ahaa mid in muddo ah soo jiitamayey oo ka dhex aloosnaa Puntland iyo dowladda federaalka, inkastoo sanadkii 2011 mar heshiis arrintaas laga gaaray.

Isla sanadkaas, waxay Puntland heshiis dhanka macdan baarista ah la gashay shirkado laga leeyahay dalka Canada, kuwaas oo baaritaan shidaal ka sameeyey labo ceel oo laga qoday dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

Hadalka Ciise Dhoolla-waa ayaa imaanaya maalmo kaddib markii af-hayeen u hadlay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Dowlada Federaalku uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono shirkaddii si hoose heshiis dhanka shidaalka khuseeyo ula gasha mid kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya