4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Madaafiic khasaare geystay oo caawa ku dhacay Xaaafado ka tirsan Degmada Xamar-jajab


Axad, September 07, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur ayaa ku dhaawacmay madaafiic dhowr ah oo caawa ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab, Axmed Cismaan Dhoorre ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay in shan qof ay ku dhaawacmeen madaafiicda ku dhacay degmadaas, iyadoo aan weli la sheegin cid dhimasho ay kasoo gaartay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay duqeymahan oo ku soo beegmaya xilli dowladda ka digtay inay dhici karot inay weerarro aar-gudasho ah soo qaaddo Al-shabaab, kaddib dilkii hoggaamiyahoodii.

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa caawa lagu garaacay madaafiic, iyadoo aan la ogeyn cidda madaafiicda soo tuurtay, sidoo kalena welina kama aysan hadlin.

Dadka ku nool degmada Xamar-jajab ayaa qaarkood sheegay inay argagax xooggan geliyeen madaafiicda, iyadoo duqeyntan ay imaanayso xilli saddex habeen ka hor ay madaafiic noocan oo kale ah oo aysan weli cidna sheegan kusoo dhaceen xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Madaafiicdii ku dhacay degmada Wadajir ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, iyadoo aan la ogeyn halka ay bartilmaameedkooda ahaayeen, waxaana tani ay cabsi weyn gelisay dadka ku nool degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda caawa ku dhacay degmada Xamar-jajab ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsanayay dekedda Muqdisho oo ku taalla degmadaas, balse ma jiro madfac ku dhacay dekedda.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin madaafiicda caawa ku dhacay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, waxaana tani ay walaac ku abuurtay shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya