4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Idaacadda Kulmiye oo dib Hawada ugu soo laabatay iyo Simba oo weli Xiran

Axad, September 07, 2014 (HOL) — Idaacadda Kulmiye ayaa goor-dhow dib hawada ugu soo laabatay, kaddib markii muddo saacado ah ay hawada ka maqnayd, iyadoo ay hawada weli ka maqan tahay idaacadda Simba oo la sheegay inay ciidamadu la wareegeen qalab-keedii.

Ciidamada ayaa saaka xiray qaar ka mid ah shaqaalaha iyo agaasimayaasha idaacadahan, iyadoo agaasimaha idaacadda Kulmiye, iyadoo la sheegay in loo haysto baahinta codka afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM.

Agaasimaha Idaacada Kulmiye, Cusmaan C/llaahi Guure ayaa sheegay in sababaha loo heystay ay ahayd laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo ay sii daayaan barnaamijyadeeda oo uu xalay ka baxay codka afhayeenka Al-shabaab, taasna aanay ahayn wax iyaga lagu qabsan karo.

“Geerida hoggaamiyaha Al-shabaab waxaan u sheegnay in Mareykanka uu sheegay inuu dilay, idaacadda VOA-da Mareykan ah ayaa iska leh, marka haddii wararkaas ay sii daayaan annaga wax naga quseeya ma jirto, aniga iyo agaasimaha Radio Muqdisho ayaa saacado xirnayn waa nala sii daayay,” ayuu yiri Guure.

Hay’adda nabadsugidda Qaranka ayaan weli ka haldin sababta idaacadahan loo xiray iyo waxa lagu haysto, iyadoo sidoo kalena aysan falkaan weli ka hadlin wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Madaxa idaacadaha Muqdisho ayaa horay loogu wargeliyay inaysan sii dayn karin wararka ku saabsan Al-shabaab iyo howlgallda socda, waxaana loogu hanjabay in la xiri doono haddii ay sheegaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya