4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Sillaanyo oo shir gaar ah la qaatay barasaabyada iyo Maayarrada Somaliland


Axad, September 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay Badhasaabyadda iyo Maayaradda magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Kulankan ayaa ahaa mid xukuumaddu ku hawlgalinayso sidii ay ula shaqayn lahaayeen wasaaradda Arrimaha gudaha oo wadda diiwaangelinta madaniga ah oo dadka lagu siinayo dhalashadda.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiintan kala hadlay habka ugu wanaagsan ee ay u dhici lahayd diiwaangelinta muwaadinka, isla markaana ay masuuliyiintani ka qaybqaataan wacyigelinta dadweynaha.

Sidoo kale, waxa warbixin kulanka ka soo jeediyey wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo wasiirka Madaxtooyadda Xirsi  cali Xaaji Xasan oo sheegay muhiimadda ay hawshani u leedahay qaranka iyo sida loogu baahan yahay in laga wada qaybqaato diiwaangelinta muwaadinka.

Intaas kaddibna  madaxweynaha ayaa masuuliyiintaasi ku guubaabiyey inay xil gaar ah iska saaraan hawshan oo ah mid balaadhan oo u baahan in qaranka oo dhani ka wada qaybqaataan.

“Badhasaabada iyo Maayarada Gobolada iyo degmooyinka, aad iyo aad baan marka hore idiin soo dhawaynayaa. Arrintani waa hawl Qaran oo inoo wada-taalla, ilaalinta nabad-galyada iyo wada jir kuna aad bay muhiim u tahay”ayuu yidhi madaxweynaha oo la hadlayey maayaradda iyo gudoomiyeyaasha goboladda dalka, waxaanu intaas ku daray “Hawshanna wixii looga baahnaa wasiiradaa aad u sharxay, markaa waxaan rajaynayaa in sidii la idiinku faahfaahiyey ee la idiin sheegay aad kuligiin ku hawl gashaan oo meel looga soo wada jeesto oo hawshaasi waa hawl qarane xil iska saaro. Markaa dee Xilkaa ina saaran aanka soo wada baxno”

Xukuumadda ayaa wadda hawl balaadhan oo ah in muwaadiniinta la diiwaangaliyo, isla markaana la siiyo jinsiyaddii muwaadinimo, haseyeeshee qaabka hawshan loo waddo waxa dhaliilaya xisbiyadda mucaaradka oo leh waxay dib u ridi kartaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo la filayo in iyadana dhowaan la bilaabo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland