4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Maraykanka oo Duqeymo Cirka ah la beegsanaya Mas'uuliyiin ka Tirsan ISIL


Axad, September 07, 2014 (HOL) — Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa bilaabay duqaymo dhanka cirka ah oo ay ka fulinayaan magaalooyin ku yaalla xadka u dhaxeeya Ciraaq iyo Siiriya gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayaan ISIL ayay sheegeen inay ku beegsanayaan madaxda kooxdan.

"Iyadoo la eegayo dalab nooga yimid dowladaha Ciraaq iyo danaheenna gobolka, waxay diyaaradaheennu duqeymo dhanka circa ah ka geysteen halka lagu magacaabo Haditaha," ayuu yiri mas'uul ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka.

“Duqayamahan waxaa loogu tala-galay in looga hortago khataraha ku imaan kara amniga Ciraaqa  oo hadda gacanta ku haya dhaamkaas “ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo waraysi siinayay al-jazeera ,isla markaana diiday in magaciisa la xuso.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq ayaa ka qayb-qaadanayay duqaymahan ,lamana shaacin tirada rasmiga ah ee laga dilay kooxda ISIL oo sharciyo adag ku soo rogay goobihii ay la wareegeen asbucuyo ka hor.

Bishii hore kooxdaas ayaa isku dayday in ay la waregaan Haditha oo kamid ah meelaha shidaalka ugu badan ee Ciraaq laga soo saaro,waxaana ciidamada dowladda Iraq oo taageero ka helaya qaabiillo Sunni ah ay ku guulaysteen in ay ISIl goobta ka saaraan.

Ugu danbayntii weerraro kala duwan oo ka dhacay dalkaas ayaa la sheegay in kooxahan hubaysan ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen buuraha lagu magacaabo Gazzer oo ah marin muhiim ah ,isla markaana ku dhow wadada isku xirta magaalooyinka Kalak iyo Mosul oo isla Ciraq ka tirsan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]