4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
INDHA-CADDE: Abuu-Cubeyda wuxuu ka mid yahay raggii aasaasay Shabaab

Axad, September 07, 2014 (HOL) — Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) oo ka mid ahaa madaxdii maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Xarakada Al-shabaab, Axmed Cumar Abuu-Cubeyda uu ka mid ahaa raggii aasaasay kooxda.

Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab ayaa ah mid aan horay magaciisa loo maqlin, isagoo bedeli doona hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane oo ku dhintay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay toddobaadkii hore Koonfurta Soomaaliya.

“Abaa-Cubeyda wuxuu ka mid ahaa raggii iska lahaa fikirkii lagu aasaasay Al-shabaab, si fiican ayaana u aqaannaa,” ayuu yiri Indha-cadde oo qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho la hadlayay maanta.

Sidoo kale, Indha-cadde wuxuu sheegay in magaacaabidda Abuu-Cubeyda aysan xilligan Al-shabaab waxba u soo kordhin karin oo awoodoodii kooxdu ay tahay mid wiiqantay oo aan sidii hore ahayn.

Mas’uulka cusub ee la wareegay hoggaanka Al-shabaab ayaan weli wax hadal ah siin warbaahinta, iyadoo afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlyay dilkii Godane uu sheegay inay sii xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM.

Godane ayaa waxaa la dhintay sida ay Al-shabaab sheegtay laba abaanduule oo ka mid ah kuwa hoggaamiya ciidamadooda, inkastoo magacyada labadan abaanduule aysan sheegin Al-shabaab.

Hoggaamiyihii la dilay ee Al-shabaab ayaa noqonayaa kii labaad oo ay Mareykanku ka dilaan kooxdan, iyagoo sannadkii 2008 duqeyn ku dilay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Al-shabaab, Aadan Xaashi Cayrow.

Mareykanka ayaa ku goodiyay inay sii wadi doonaan duqeymaha ay ku beegsanayaan hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, iyadoo dilka Godane uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaanno kala wareegeen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya