4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Dagaallo ka socda Waqooyiga Yemen iyo xiisado ka taagan Magaalada Sanca


Axad, September 07, 2014 (HOL) — Dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaadka Shiicada ah iyo xoogagga dowladda Yemen ayaa ka socda gobalka Al-Jawf ee Waqooyiga dalka Yemen.

Dagaalladan ayaa billowday kaddib markii kooxaha Xuutiyiinta ah ee Yemen ay isku-dayeen inay awooddooda ku ballaariyaan gobalka Al-Jawf oo xad la leh dalka Sucuudiga, isla markaana ah gobal muhiim ah oo isku xira bariga dalkaas iyo magaalada xarunta ah ee Sanca.

Wararka ayaa sheegay in dagaalladan ay ku dhinteen 50-qof oo ay ku jiraan soddon ka mid ah dagaalyahannada Shiicada ah ee gobolkaas ku nool, taas oo sii xoojisay xiisadaha ka taagan dalka Yemen.

Iska-horimaadyadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisado weyn ay ka jiraan magaalada Sanca, halkaasoo ay dibadbaxayo ka dhigayaan kumannaan qof oo Yemeniyiin, kuwaasoo dalbanaya inay xukuumaddu is-casisho.

Maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay ayaa magaalada Sanca waxaa ka dhacay labo bannaanbax oo waa-weyn; mid waxaa qabtay kooxaha Shiicada ah ee Xuutiyiinta oo doonaya in xukuumadu is-casisho halka kan kalaena ay lagu taageeray dowladda dalkaas ka jirta.

Xiisadahan ayaa laga cabsi qabaa inay isku bedelaan dagaallo sokeeye oo ka qarxa dalkaas, kuwaasoo u dhexeeya Sunnida iyo Shiicada kuwada nool dalka Yemen.

Dhanka kale, dowladda dalkaas ayaa isku dayaysa inay dajiso xiisadaha, balse weli madaxda dalkaas kama aysan hadlin dalabka is-casilaadda ah ee kaga imaanaya kooxaha Shiicada ah ee dalkaas ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya