4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Afhayeenka Shabaab oo ku Goodiyay inay dagaallada sii Xoogeysan doonaan


Axad, September 07, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inay sii soconayaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM kaddib dilkii Amriikoodii hore, Axmed Cabdi Godane, isagoo ku gooddiyay inay xabaddu sii qarxayso.

Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay geeridii hogaamiyahoodii ayaa sheegay inuu kasoo dagaalamay dalka Afganistan uuna markii dambe u soo wareegay Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa halyey geesi ah.

“Geerida Abuu Zubeyr dagaalka aan ku jirno uma turaan-turroon doono, waanan ku bullaali doonnaa illaa xabbadu qarxdo. Shareecadeenna ma ahan fikrad qof leeyahay oo markuu geeriyooda meesha ka baxaysa ama la tabo,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay inay u aar-gudi doonaan hoggaamiyihii laga dilay, isla markaana cawaaqib xun laga dhaxli doono dilkiisa, inkastoo aanu sheegin cidda ay uga aargudi doonaan.

“Haddii Abuu zubeyr uu geeriyooday, innagu waxaan nahay kumanaan qof oo u diyaar ah inay jidkiisa maraan. Dhamaanteenna waxaa naga go’an inaan guuleysanno ama geeriyoonno. Waxaan ogaan doontaan inaanu nahay dad aar-goosta iyo in kale… waxaad sugtaanna waa cawaaqibta aad ka heli doontaan falalka foosha xun aad ku kacdeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Cali Dheere.

Afhayeenka ayaa sheegay in amiirka cusub ee lagu bedelay Abuu Zubeyr in uu la wareego doono hoggaanka Xarakada Al-shabaab uuna halkaas kasii wadi doono dagaallada lagula jiro kuwa diinta kasoo horjeeda, waa sida uu yiriye.

Dhinaca kale, Sheekh Cali dheere ayaa sheegay inay jadiidiyeen heshiiskii ay horay ula galeen hoggaamiyaha Al-Qaacida, Ayman Al-zawaahiri, wuxuuna meesha ka saaray shaki dhawaanahay ka jiray oo ahaa in laga yaabo in Al-shabaab ay ka leexan doonto jidka Al-Qaacida, kuna biiraan kooxo kale oo calamka ka jira.

Hoggaamiyihii Al-shabaab, Abuu-Zubeyr ayaa ku dhintay duqeyn uu Isniintii lasoo dhaafay Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose xilli habeen ah, iyadoo dhimashada hoggaamiyihii Al-shabaab la shaaciyay afar casho kaddib dilkiisii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya