4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Al-shabaab oo xaqiijisay Geerida Amiirkoodii iyagoo Magacaabay Hoggaamiye Cusub


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa goor dhow si rasmi ah u xaqiijisay inuu geeriyooday hoggaamiyahoodii, Axmed Cabdi Godane oo ay u yiqiinneen Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, iyagoo xilkii uu ka banneeyay u magacaabay hoggaamiye cusub oo lagu magacaabo, Axmed Cumar Abuu-Cubeyda.

Al-shabaab ayaa u sheegtay Al-Jazeera TV inay la dhigteen hoggaamiyahoodii laba abaanduule oo ka tirsnaa ciidamadooda, kaddib duqeyntii Isniintii ay kula beegsadeen diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn deegaan ku dhow Baraawe oo ah xaruntooda ugu weyn ee ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose.

Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, Axmed Cumar Abuu-Cubeyda ayaan horay loo maqlin, iyagoo warbixintooda ku sheegay in mas'uulkan cusub uu hoggaamin doono howlgalladooda.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo isaguna ka hadlay geerida Godane ayaa sheegay inay ku bedeleen hoggaamiyahoodii ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM.

Sidoo kale. bogag taageera Al-shabaab ayaa lagu baahiyay qoraallo Ingiriis iyo Carabi ka koobnaa oo lagu sheegay in hoggaamiyihii Al-shabaab uu geeriyooday, balse ma jirto wax faahfaahinno ah oo laga bixiyay sida uu u dhintay.

“Amiirkii Al-shabaab iyo laba abaanduule oo kale ayaa ku dhintay duqeyntii Mareykanku uu ka geystay gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la dhigay lala dilay laba abaanduule oo Al-shabaab ka tirsanaa,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warbixinteeda.

Hadalka Al-shabaab ee ku aaddan geerida hoggaamiyahoodii ruuxiga ahaa, Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane ayaa kusoo beegmaya xilli xalay uu si rasmi ah Mareykanku ugu dhawaaqay inay dileen hoggaamiyihii kooxdan.

Wararka ku saabsan geerida Axmed Godane ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaafay looga hadlayay siyaabo kala duwan, balse ugu dambeyn ay si cad u soo baxday 24-kii saac ee u dambeeyay inuu ku geeriyooday duqeyntii Mareykanka ee Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya