4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Wasiirka arimaha bulshada Jubba oo kormeeray Garoonka k/cagta Kismaayo


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay howlo dayactir ah ku socdeen garoonka kubadda cagta degmada Kismaayo ayaa waxaa maanta booqday wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba iyo xubno ka tirsan gudiga isboortiga gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka iyo xubnihii wehlinayay ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay garoonka, iyagoo sidoo kale warbixinno ka dhageystay xubno ka tirsan shirkadda dhismaha ku wada garoonka Kismaayo.

Wasiirka arimaha bulshada Macallin Maxamed Ibraahim oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa u mahadceliyay dowladda UK oo iyadu gacan ka geysatay dib u dhiska garoonka, isagoo sheegay in dhawaan si rasmi ah xariga looga jari doono garoonka si loogu qabto cayaaraha kubadda cagta.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobolka J/hoose Burhaan Max’uud Xasan Kukuuyu oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in la dhameystiray dhamaan qeybihii kala duwanaa ee uu lahaa garoonka, isagoo sheegay in hadda uu garoonka diyaar yahay dhawaanna ay bilaabi doonaan tartammo kala duwan oo kubadda cagta ah.

“Garoonka si fiican ayaa loo dhisay, waxaa hadda lagu qaban karaa tartamada gobollada dalka, maxaa yeelay wuxuu leeyahay dhamaan waxyaalihii looga baahnaa garoomada waaweyn,” ayuu yiri gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata.

Garoonka kubadda cagta Waamo Studium ee magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii waxaa ku soconayay howlo dib loogu dayactirayo, iyadoo dhaqaalaha ku baxayo dib u dhiska garoonka ay bixisay dowladda Ingiriiska.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya