4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Culumada oo Dhallinyarada Soomaaliyeed uga digay ku biiridda Kooxda ISIL

Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhalinyarada Soomaalida ah ee ka tagaya wadamada reer –galbeedka si ay ugu biiraan kooxda ISIL ee ka dagaalamaysa gudaha wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

“Uma aragno ISIL koox diin u dagaalamaysa sida saxda ah waa gacan ku dhiig-layaal, waxaa nasiib darro ah in dhalinyaradii Soomaaliyeed ay halkaas u safraan si ay ugu dagaalamaan shayadiintaas “ayuu yiri Shekh Nuur Baaruud Gurhan oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka culumada Soomaaliyed.

15-kii bishii hore waxaa kooxdaas ku biiray Faarax Maxamed Shirdoon oo ka tagay Canada ,isla markaana haysta dhalashada dalkaas ,waxaana la sheegay in lagu dilay ciraaq ,isaga oo ISIL u dagaallamaya.

Lama kala cadayn in Shirdoon uu Canada uga tagay si u ugu biiro koodxdaas, balse waxaa uu ka soo dhex muuqday muuqaal la duubay oo video –ah, kaasoo la soo dhigay barta internetka ,waxaana la arkayay Shirdoon oo gubaya baasaboorkiisa Canada.

“Waxaan kula talinayaa dhalinyarada ku biiriya ISIL in dalkooda iyo diintooduba ay u baahantahay ,waana in aysan ku habaabin fikradaha qaldan,“ ayuu hadalkiisa ku daray ,isaga oo la hadlayay Sabahi Sheekha.

Sidoo kale shantii bishii hore wiil uu dhalay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah  ee UCID  Faysal Cali Waraabe oo lagu magaacbo Xuseen Faysal ayaa isna ka soo muuqday muuqaal video ah ,isaga oo isticmaalaya magaca kale ,waxaana uu sheegay in Finland uu uga yimid si uu ugu biiro kooxdan islaamiga ah.

“Waan aaminsanahay wiilkayga ,balse hadda dad kale ayaa ka dhigay in uu xagjir noqdo uuna ku biiro kooxdaas “ayuu yiri Waraabe oo warbaahinta la hadlay ka dib markii ay soo shaac baxday in wiilkiisa uu ka dagaalamayo Ciraaq.

Kooxdan ISIL ayaa doonaysa in shareecada Islaamka ay ku maamulaan goobaha ay iminka ka dagaalamayaan sida ay sheegeen ,waxaana jira dhalinyaro badan oo qurbaha ka tagay si ay ugu biiraan kooxdaas oo reer-galbeedku u aqoonsadeen in ay yihiin argagaxiso.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]