4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Ciidamada dowladda oo sheegay inay xoog ku soo Furteen Gabar Afduubnayd

Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa sheegay inay xoog kusoo futeen gabar u afduub ahaan ay u haysteen xoogga taabacsan Xarakada Al-shabaab.

Iska-horimaad ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag Al-shabaab ka tirsan ayaa waxaa lagu dilay laba qof, saddex kalena lagu dhaawacay, sida ay u sheegeen saraakiisha dowladda.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay inuu iska-horimaadku ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Ceel-garas iyo Oodweyne oo ka tirsan gobolka Galguduud, isagoo intaas ku daray lagu soo furtay howlgalka mid ka mid ah laba gabdhood oo lix bilood u afduubnayd Al-shabaab.

Sidoo kale, Guutaale ayaa xusay inay sii socon doonaan howlgallada ay ciidanka huwanta ah wadaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo Al-shabaab laga saarayo deegaannada ay uga sugan tahay gobolka Galgaduud.

“Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay furaan jidka isku xira degmada Dhuusomareeb iyo Ceelbuur, wixii hadda ka dambeeyana la isticmaali karo,” ayuu Guutaale hadalkiisa ku daray.

Howlgalka lagu soo furtay gabadha afduuban ayaa wuxuu kusoo beegmay xilli ay ciidanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM howlgallo ka wadaan qaar ka mid ah gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadlin howlgalka saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ay xoog kaga furteen xubno ka tirsan xoogagooda gabar ay afduub ahaan u haysteen mudo lix bilood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya