4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Dowlada Sucuudiga oo ka fikiraysa inay rarto qabriga Nebiga Muxamed NNKH


Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Maalmood ayaa waxaa si weyn looga hadalhayay warbixnno ay qoreen wargeysyo waaweyn oo ka soo baxa dalka Britain, kuwaasoo lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka fikirayso sidii ay qabriga Nebi Muxamed (NNKH) uga rari lahayd halka uu kaga yaallo.

Wargeysyada The Independent iyo Daily Mail oo warbixintan qoray 01-dii September ayaa soo xigtay daraasad 61 bog ka kooban oo  wada-tashi ku jirta, taasoo uu qoray aqoonyahan la shaqeeya dowladda Sacudiga.

Sidoo kale, warbixintan ayaa lagu sheegay in qabriga Nebi Muaxamed (NNKH) loo rarayo qabuuraha Al-baqi ee ku yaala magaalada Madiina Al-Munawara, waxaase tani ay dhalisay buuq iyo muran weyn.

Qabriga Nebi Muxamed ayaa ku yaalla gudaha masjidkii ugu horreeyay ee uu ka dhisay magaalada Madiina, kaasoo hadda ah meeesha labaad ee ugu barakada badan ee ay booqdaan muslimiinta marka laga reebo Kabcada oo ku taalla magaalada Makka Al-Mukaramah.

Sheekh Maxamed Ileeye oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ahna imaamka masjidka Al-Nuur oo ku yaala magaalada Settale ee gobolka Washington ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan laba aqbali karin.

“Arrintan naxdinta leh waa mid laga yaqyaqsoodo, waana arrin aan sinnaba lagu ogolaan karin in wajiga Nebiga ee nuurka badan laga saaro halkii uu ku aasnaa, lana geeyo meel aan la garanayn,” ayuu yiri Sheekh Ileeye oo VOA-da u warramayay.

Imaamku oo la weydiiyay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo arrintan lasoo qaado, ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay, balse ay tahay markii shanaad, balse lagu guuleysan waayay.

“Waxaa jirtay in boqor ka talin jirtay dalka Masar ayaa ciidan u soo diray qabriga si Nebiga NNKH iyo labadii saxaabi ee waaweynaa loogu geeyo si uu u geeyo Masar ayna halkaas ku booqdaan dadka, waawe ku guuleysan waayay,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Ileeye.

Muslimiin badan oo caalamka ku nool ayay arrintan ka caareysiisay iyadoo madaxda Sucuudiga oo ka hadlay ay sheegeen inaysan weli go’aan arrintan ku gaarin, balse ay tahay warbixin la iska daabacay oo aan dhab ahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya