4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Ciidamada Huwanta ah oo Qabsaday deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud

Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Galguduud ayaa sheegay inay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Col. Maxamed Aadan Kaariye (Dhega-dheere) oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Galguduud ayaa sheegay inay la wareegeen dhowr deegaan oo ay ka mid yihiin; Ceel-garas iyo Ceel-la-helay.

“Deegaannada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen waa kuwo dhinaca bari ee gobolka ku yaalla, mana jirin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen ciidamada kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri Col. Dhega-dheere.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanno ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, ay howlgalku sii socon doono tan iyo inta ay Al-shabaab ka saarayaan gobolka oo dhan.

Wararka laga helayo gobolka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay shalay oo Khamiis ahayd la wareegeen halka lagu magacaabo Gal-hareeri oo ka mid ahayd deegaannada ay gacanta ka talin jirtay Al-shabaab.

Maalin ka hor ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka dhaqaaqeen degmada Dhuuso—mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, iyagoo sheegay inay billabayaan howlgallo ay gobolka kaga saarayaan Al-shabaab.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin deegaannada gobolka Galguduud ee ay sheegeen saraakiisha dowladda inay la wareegeen, iyadoo kooxdu ay weli ka taliso deegaanno badan oo gobolkaas ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya