4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Taliyaha AMISOM oo ka Hadlay Al-shabaab iyo Howlgallada ka socda Somalia


Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Taliyaha AMISOM Jen. Silas Ntigurirwa oo haatan ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa sheegay in haddii geerida Amiirka Al-shabaab ay dhab noqoto ay taasi Qaaradda Afrika kaga dhignaan doonto guul weyn.

Jen. Ntigurirwa ayaa sheegay inay dabaal-degi lahaayeen haddii geeridaas ay dhab noqoto, isagoo intaas ku daray in wali ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo in geerida hoggaamiyahan ay dhab tahay iyo in kale.

“Haddii ay run noqonto in hoggaamiyaha Al-shabaab la dilay waa war farxad iyo guul u ah dadka Qaaraddan ku nool… waana u dabaaldagi doonaa,” ayuu yiri jeneraalka oo koox wariyeyaal ah kula hadlayay caasimadda Burundi.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa saddex casho ka hor ku weeraray deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose gaadiid uu mid ka mid ah saarnaa hoggaamiyaha Al-shabaab, iyadoo weli aysan kooxdu ka hadlin dhimashadiisa iyo noloshiisa. Halka saraakiisha Mareykankuna ay weli baaritaanno ku hayaan natiijadii duqeyntooda ka dhalatay.

Saxaafadda caalamiga ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay wararka ku saabsan duqeynta Mareykanka, iiyadoo la sheegay in lix sarkaal oo ka tirsan kuwa Al-shabaab lagu dilay duqeyntaas, inkastoo aan la ogeyn weli inuu ka mid ahaa saraakiishaas Godane iyo in kale.

AFP oo soo xiganaysa ilo wareedyo ay ka heshay taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in hoggaamiyaha Xarakada Al-shabab ay u badan tahay inuu ku geeriyooday duqeynta.

Sidoo kale, taliyaha AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka socda gobollo ka tirsan Soomaaliya ayaa sheegay inay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay kaga saaraan Al-shabaab deegaannada ay ku sugan yihiin oo ay ka mid tahay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo haatan ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolkaas.

“Magaalada Baraawe waa ay dhow dahay inaan gacanta ku dhigno, waxayna taasi dhici doontaa mar dhow,” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidanka AMISOM oo xusay in howlgallada deegaanno badan ay kaga qabsadeen Al-shabaab.

Toddobaadkan ayay ahayd markii howlgalladan ay ka billaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada dhexe, iyagoo u gudbay gobolka Hiiraan oo waxayna qabsadeen degmada Jalalaqsi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya