4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
GEEDOOLE: “Wax-soo-saarku Muhiimad ayuu u leeyahay Dalka iyo Bulshada”


Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Madaxda Wasaaradda Beeraha, Ciidanka Miitariga iyo daneeyayaasha wax soo saarka dalka ayaa shalay ka qayb galay munaasibad lagu soo gurayey dalag ka soo go’ay Mashruuca beerista Banka Wajaale.

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Xubno kale oo ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Beeraha, Taliyaha Ciidanka Mitariga ee Gobolka Gabiley, xubno kale oo ka mid ah daneeyayaasha wax soo saarka Somaliland sida Ardeyda iyo khabiiro dhinaca beeraha ah.

Mashruuca beerista Banka Wajaale ayaa sanadkan waxa ka soo go’ay dalagyo kala duwan oo muhiim ah bulshada, kuwaasi oo ay ugu badan yihiin labada dalag ee Digirta iyo Heedu.

“Wax soo saarku muhiimad weyn ayuu u leeyahay dalka oo bulsho kasta inta ay wax la soo baxdo ayaa lagu qiimeeyaa”ayuu yidhi wasiirka Beeraha Geedoole.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Faarax Ismaaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka hadlay mashruuca beerista Banka Wajaale, isaga oo tilmaamay muhiimada ay wasaaradda arintan u leedahay inay tahay mid aad u saraysa.

Wasaaradda Beeraha Somaliland, iyada oo kaashanaysa Ciidanka Miitariga iyo khabiirada dhinaca beeraha ku takhasusay ayaa waxa ay dalagyo kala duwan ka beertay Banka Wajaale oo ah goob ku haboon wax soo saarka, iyada oo ay sanadkana soo go’een dalagyo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin Digirta iyo Heedo oo halkaasi loogu sameeyey munaasib lagu soo goynayey.

Mashruucan beerista Banka Wajaale waxa ka faa’iidaysta ciidanka Mitariga oo dalagyadda ka soo go’a ay dib u isticmaalaan, waxaana inta badan beerta ciidankaasi oo dalagyo kala duwani uga soo go’aan sanad kasta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland