4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Xaflad Sagootin ah oo Muqdisho loogu sameeyay Suxufiyiin ka socday Finland


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Munaasabad sagootin ah ayaa maanta Muqdisho loogu sameeyay suxufiyiin ka socday hay’adda  horumarinta warbaahinta caalamka dalka Finland ee VIKES oo maalmahan Muqdisho u joogay sidii ay u siin lahaayeen suxufiyiinta Soomaaliyeed tababarro lagu horumarinayo aqoontooda saxaafadeed, waxaana goobjoog ka ahaa xafladda xubno ka socday dowladda Soomaaliya, madaxda warbaahinta madaxa-bannaan ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan oo munaasabaddan soo qaban-qaabiyay ayaa sheegay in suxufiyiinta Finland ka timid ay aqoon badan kusoo kordhiyeen  dalka, ugana faa’iideeyeen wariyeyaasha Soomaaliyeed, isagoo suxufiyiinta Finland uga mahad-celiyay waqtiga ay soo hureen.

C/weli Xasan Xaashi oo  ka mid ah xubnaha hay’dda VIKES oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan tababarrada ay wariyeyaasha Somaaliyeed siinayaan, taasoo looga gol-leeyahay sidii saxafiyiintu ay uga qaadan lahaayeen kaalintooda horumarinta dalkooda Soomaaliya.

Agaasimaha idaacadda SIMBA, Cabdullaahi Cali Faarax (Catoosh) oo isna ku hadlay magaca agaasimayaasha warbaahinta madaxa-bannaan ayaa xusay inay aad u soo dhaweynayaan waxqabadka wariyeyaashan iyo tababarrada ay siinayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee shaqeeya.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Al-cadaala oo ka socday Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in tababarkan ay hay’adda VIKES siisay wariyeyaasha ka howlgala Soomaaliya uu wax badan kaga duwan yahay kuwii horay y u heli jireen, isla markaana looga baahan yahay wariyeyaasha Soomaaliyeed in wax laga baro sida ay ula qabsan karaan warbaahinta ku shaqeyso goobaha nabdoon ee aanay colaaduhu ka jirin.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda ka hadlay agaasimaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, C/risaaq Bahlaawi oo tilmaamay in wasaaraddu ay gacan siin doonto cid kasta oo wax ku soo kordhineysa warbaahinta dalka iyo wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya