4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Agaasimaha Dalsan Radio oo Maanta Laga sii Daayay Xabsiga Nabad-sugidda


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Agaasimaha Dalsan Radio ee Muqdisho, Xasan Cali Geesey ayaa dib u helay xorriyadiisa, kaddib markii ay xabsiga u taxaabeen ciidamada nabadsugidda dowladda uuna muddo 24-saac ah ku xirnaa xabsiga nabadsugidda gobolka Banaadir ee godka Jilicoow.

Geesey oo ah guddoomiyaha Dallada Midowga Suxufiyiinta Madax-bannaan ee Somalia (SIMHA) ayaa sheegay in xoriyaddiisa uu dib u helay, isla markaana uu dib ugu laabtay xaruntiisa shaqo.

“Xoriyadeydii dib ayaa u helay, kaddib 24-saac oo aan xirnaa, waxaa si gaar ah ugu mahad-celinayaa dhammaan intii ka qayb-qaadatay sii deynteeda. Hadda waan joogaa xarunta idaacadda,” ayuu yiri agaasimaha Dalsan Radio.

Sababaha loo xiray ayaa ahayd wareysi uu siiyay Idaacada VOA-da, kaasoo ku saabsanaa kulan dhexmaray agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho iyo taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, waxaana warbaahinta lagu amray inaysan ka hadli karin wararka Al-shabaab iyo howlgalada dalka ka socda.

Bahda warbaahinta madaxa-bannaan ayaa ku dooday in amarkan aan loosoo marin wasaaradda warfaafinta, isla markaana aanu ahayn wax rasmi ah oo ay toos u dhaqan-gelin karaan, maadaama amarku uu afka oo kaliya ahaa.

Inkastoo Xasan Geeseey lasii daayay, haddana waxaa weli xabsiga godka Jilicoow ku xiran agaasimayaasha idaacadaha Shabelle iyo SKY FM oo ay dowladdu ku eedeysay inay hurinayeen colaad iyo kicin bulsho.

Wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya weli kama aysan hadlin xariga iyo sii daynta agaaasimaha Radio Dalsan, Xasan Geeseey, iyadoo lagu tilmaamay arrintan mid lagu dhibaateynayo warbaahinta madaxa-bannaan ee Muqdisho ka howlgasha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya