4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Wafdi Wasiirro ah oo Maanta gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Wafdi ballaraan oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ahna wasiirrka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada ayaa siddoo kale waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda , Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, danjiraha dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Degmada waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil AMISOM ka tirsan iyo dadweyne ka kala yimid xaafaddaha degmadaasi ka kooban tahay, kuwaasoo si weyn ugu faraxsanaa booqashada mas’uuliyiinta dowladda iyo gargaarka degmada la gaarsiiyay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Max’ed oo hadal jeediyay ayaa sheegay in ay ka war qabaan howlgalada ay ku jiraan ciidamada dowladda, isagoo intaa ku daray in degmada Buula-burte ay ka mid tahay deegaannada dadweynaha ku dhaqan ay dhibaateeyeen Al-shabaab kaddib markii sida uu hadalka u dhigay ay go’doomiyeen.

“Runtii waan hambalyeynaynaa ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ee ku guuleystay inay u soo gurmadaan dadka halkan [Degmada Buula-burte] ku dhaqan, si looga dulqaado kooxihii cadawga ahaa," Ridwaan Xirsi.

Danjiraha Jabuuti ee Somalia, Dayib Dubad Rooblle ayaa sheegay in markii uu ogaaday madaxweynaha dalka Jabuuti dhibaatada soo food saartay dadka ku dhaqan degmadan iyo deegaannada ku hareereysan uu go’aansaday inuu gaargaarkan soo gaarsiiyo.

Wariye ku sugan degmada Buula-burte oo aan xiriir la sameynay ayaa noo sheegay inay dadka degmada dhigeen dibadbax ballaaran oo ay kusoo dhawenayaan dhaq-dhaqaaqyada militari ee ka soconaya gobolka, dhinaca kalana lagu soo dhaweynayay mas’uuliyiinta dowladda ee maanta gaaray Buula-burte.

Mid ka mid ah xubnaha maamulka gobolka Hiiraan oo ku sugan degmada Buula-burte ayaa u sheegay  HOL in maalinta bari ah la bilaabi doono qeybta gargaarka oo ka kooban noocyada kala gadisan ee raashinka la quuto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
Beledweyne, Soomaaliya