4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Madaafiic khasaare nafeed sababay oo xalay lagu duqeeyay degmada Wadajir

Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyooday, toddoba kalena way ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir saqdii dhexe ee xalay, kuwaasoo aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Duqeyntan oo dhacday saqdi dhexe ee xalay ayaan illaa hadda si dhab ah loo ogeyn cidda madaafiicdan soo tuurtay, waxaana madaafiicdu ay si is-daba joog ugu dhaceen guryo ay ku noolaayeen dad shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa shegay in xaafadaha ay madaafiicdu kusoo dhacday la isugu soo baxay ayna arkeen dhimashada laba qof oo shacab ah iyo toddoba kale oo intooda badan ay dhaawacyo culus qabaan.

Mid ka mid ah dadkii dhaawacyadu gaareen ayaa ku dhintay isbitaalka Madiina ee Muqdisho, halkaasoo isla xalay la gaarsiiyay, iyadoo tani ay ku soo beegmayso xilli ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaanno kala duwan kala wareegeen Al-shabaab.

“Xalay saqdii dhexe innagoo hurdayna ayay madaafiicdu soo billowdeen, ma garanayno halka ay ka yimaadeen, dhowr ka mid ahna waxay ku dhaceen guryo la deggen yahay,” ayuu yiri goobjooge ku nool xaafaddaas oo saaka la hadlay warbaahinta.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay duqeyntan, sidoo kalena kama aysan hadlin hay’adaha amniga dowladda duqeyntan iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay dhammaantood ahaayeen rayid, iyadoo duqeymahan aan la ogeyn halka ay bartilmaameedka u ahaayeen, waxayse ku hoobteen xaafado ay dad shacab ah deggen yihiin.

Xaaladda xaafaddii ay madaafiicdu ku dhaceen ayaa hadda deggen iyadoo ay dadku qabaan walwal xooggan oo ku aaddan in madaafiicdan marar kale lala soo eegto xaafadda ay ku nool yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya