4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Soomaali ku eedeysan weerarkii Westgate oo ka cabanaya garaacis Joogto ah


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Afar dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsiga ku yaalla dalka Kenya loona haysto weerarkii Westgate Mall bishii September ee sannadkii hore ayaa sheegay in si xun loo garaacay kaddib markii ay diideen inay xirtaan dharka maxaabiist la xukumay.

Sagaal ruux oo kale oo Soomaali ah oo iyagana ku eedeysan fal argagaxiso ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xabsiga ay si xun u garaaceen iyadoo loo geystay dhallinyarada dhawaacyo.

Garaacista dhallinyarada ayaa dhacday toddobaadkii lasoo dhaafay, kaddib markii ay diideen inay xirtaan dharka caadiyan loo xiro dadka xukuman ee ku jira xabsiyada Kenya, sida uu soo wariyay wariyaha BBC, Dennis Okari.

Qareenka raggan ayaa u sheegay BBC-da in dhibaato culus loo geystay, isla marrkana uu hadda ka walaacsan yahay caafimaadkooda iyo in dhibaatooyin kale ay u geystaan ilaalada xabsiga ay ku jiraan.

“Dhaawacyada qaarkood waa kuwo aad u xun oo laga walaaco, waxaana doonayaa in loo helo dawooyin,” ayuu yiri Mwaniki Gachomo. Iyadoo aysan weli jirin wax hadal ah oo ay arrintan ka yiraahdeen maamulka xabsiga.

Xukunka raggan ayaa weli socda, iyadoo aan loo helin wax caddeymo ah oo ku filan inay gacan ka geysteen weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkaasoo afar maalmood uu dagaal ka socday ayna ku dhinteen 67-qof.

Raggan afarta ah ayaa waxaa lagu eedeeyay inay geysteen falal argagaxiso, inay ka tirsan yihiin urur argagaxiso ah iyo inay haysteen hub ay doonayeen inay u adeegsadaan falal argagaxiso.

Tan iyo markii dacwadda lagu soo oogay dhallinyarada ayaa waxaa la hor-keenay maxkamadda 35-qof si ay ugu markhaati kacaan, balse 10 ka mid ah dadkaas ayaa bixiyay caddeymo ah inay weerarka ku lug lahaayeen.

Weerarkii Westgate Mall ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, iyadoo kooxihii weeraray ay halkaas haysteen afar maalmood oo xiriir ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya