4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Al-shabaab oo Dilay Haweeney ay Sheegeen in ay Saddex Nin isla Guursatay

Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa Jimcihii dhagax ku dilay haweeney 33-jir ahayd oo ay ku eedeeyeen inay isla mar keliya isla guursatay saddex nin, iyadoo dilku uu ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay barxadda dilka haweeneydan oo lagu magacaabi jiray, Safiyo Axmed Jimcaale uu ka dhacay, iyadoo xubno ka tirsan Al-shabaab oo wajiyadu ay u qarsanaayeen ay ku dileen dhagax, kaddib markii ay qaybta hoose ee jirkeeda dhulka lagu aasay.

Axmed C/llaahi oo ka mid ah dadweynihii daawanayay sida dilka loo fuliyay ayaa Reuters u sheegay in dadkii goobta ku sugnaa ay qaarkood matageen. Dilka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan mas’uuliyiinta kooxda Al-shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellada Hoose.

“Markii ay dhimatay haweeneyda, waa laga soo jiiday godkii markii hore lagu aasay, iyadoo la jiiday laguna aasay qabri horay loo diyaariyay,” ayuu mar kale yiri Cabdullaahi.

Qaalli ka tirsan Al-shabaab ayaa goobta ka sheegay in Safiyo ay mar keliya isku guursatay saddex nin sida ay qiratay. Isagoo intaas ku daray inay kala qarisay haweeneydan saddexda nin, ayna ku dhaarteen sadexdooda inay isla qabteen Safiyo iyagoo aan is-ogeyn.

“Safiyo waxay si cad maxkamadda horteeda uga qiratay inay saddexda nin isla guursatay, ayna u tahay diyaar in dhagax lagu dilo si uu Alle ugu dambi-dhaafo,” ayuu hadalkiisa ku daray garsoorka Al-shabaab ka tirsan ee goobta ka hadlay.

Maxkamadaha Al-shabaab ayaan laga ogoleyn qareer qofka eedeysanaha ah u dooda iyo sidoo kale in qofka uu xukunku ku dhaco uu qaadan karo rafcaan si uu mar kale dacwadda loo haysto u furo.

Fulinta xukunkan ayaa imaanaya iyadoo horraantii bishan duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Xarakada Al-shabaab, Cabdi Axmed Godane, sidoo kale xukunkan fulintiisa ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen Al-shabaab.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya