4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli oo kulan la qaatay Maamulka Dekedda iyo Xoogsatada


Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta kormeer saacado qaatay ku tagay dekedda weyn ee Muqdisho, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ka jireen cabashooyin ay muujinayeen xoogsatada dekedda ka shaqeysta.

C/weli Sheekh ayaa soo kormeeray dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay dekedda, isagoo kulan la qaatay mas’uuliyiinta dekadda, qaar xoogsatada ka mid ah iyo maamulka shirkadda gacanta ku haysa dekedda, wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ay qabaan xoogsatada dekedda.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday aya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Yuusuf Macallin Amiin (Baadiyow) oo la hadlay saxaafadda wuxuu ssheegay in ujeeddada booqashada ra’iisul wasaaraha iyo wasiirrada ay la xiriirtay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen cabashooyinkii muruq-maalatada dekedda ay maalmahan soo jeedinayeen.

“Booqashadani waxay la xiriirtaa sidii loogu kuurgeli lahaa hawlaha ka socda dekedda iyo sidii wax looga ogaan lahaa cabashooyin baryahaan ka imaanayay muruq-maalka, waxayna kulan la qaateen xubnaha xukuumadda ka socday mas’uuliyiinta dekeddda iyo qaybaha kale oo ay ku jiraan xoogsatada, ujeedkuna wuxuu ahaa in xal laga gaaro mad-madowgii maalmahan jiray, guddi ayaana loo saaray kasoo tallo bixiya arrintan,” ayuu yiri Yuusuf Baadiyow.

Kormeerka ay ra’iisul wasaaraha iyo wasiirradiisa maanta ku tageen dekedda Muqdisho ayaa qayb ka ah qorshayaal la doonayo in adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u hayso xukuumaddu sare loogu qaado.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya