4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Madaxweynaha oo Qiray in isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha ay u dhexeyso kala fikir duwanaasho


Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da ayaa shaaca ka qaaday inay jirto kala fikir duwnaansho u dhexeysa isaga iyo ra'iisul wasaarihiisa, balse wuxuu meesha ka saaray in kala fikir duwanaashahaas uu sabab u noqon karo burbur ku yimaada dowladda.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto sidii sannadka 2016-ka ay doorasho uga dhici lahayd Soomaaliya, isagoo xusay in qorshahaas uu yahay mid ay sannadkii hore dajiyeen ayna aamisan yihiin inuu suuro-galayo.

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal ahayd in shacabku ay walaac aad u weyn ka qabaan khilaafaadyada soo laalaabtay ee u dhexeeya madaxda dalka; lana sheegayo inaysan hadda jirin wada-shaqeyn wanaagsan oo kaala dhexeysa ra’iisul wasaaraha, ayuu kaga jawaabay.

“Arrimahaas waxaa keenaya duruufihii uu dalkeennu soo maray dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay, sida is-xamashada, kala-aamin-baxa iyo faro-isku-fiiq-fiiqa, waxayna ka mid yihiin dhaqmadii soo jiray muddadaaas. Dowladnimada dhexdeeda in dadku ay askar noqdaan oo hal dhinac u wada-jeestaan kama mid ahan. Duruufta maanta Soomaaliya ka jirtana waa curinta afkaaro cusub oo kala duwan, waana lagu kala ra’yi duwanaanayaa, in la kala ra’yi duwanaadana wax ceeb ah oo ay leedahay ma jirto, nolosha ayayna ka mid tahay inay dadku kala ra’yi duwanaadaan, balse kala ra’yi duwanaashahaas in la xalliyo ayaa muhiim ah.”

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in kala ra’yi duwanaashaha uu keeni karo dhibaato iyo colaado xoog leh iyo inay kalsooni badan ka dhalato. Isagoo xusay in illaa iyo hadda ay dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay in mar walba oo kala fikir duwnaasho ay soo baxdo in la isku tanaasul.

“Waxaan aaminsanay in kala fikir duwanaanta hadda jirta aysan noqon karin mid lagu jabo oo dowladnimadu u burburto oo ay dhibaato ka dhacdo aysan noqon. Shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala ra’yi duwan yahay, berrina waa la kala ra’yi duwanaan karaa, umana arko anigu inuu jirto walwal weyn. Waan kala duwannahay ama annagoo kala duwan ayaan wada-shaqeynaynaa ama kala duwanaashaha waxaan ku dhameys-tiraynaa dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban iyo xeerarka uu dalkeennu leeyahay.”

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo la weydiiyay in muddada u harsan ay xukuumaddu ku dhameystiri karto howlaha u dhiman oo ay suuro-gelin karto in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho iyo in kale, wuxuuna ku jawaabay.

“Qorshaas sanadkii hore ayaan dajinnay, markii aan dajinaynayna maanka waan ku haynay inay jiraan caqabado badan oo naga hor-imaanaya, balse waxaan aaminsanahay inaanu ka gudbi karno caqabadahaas oo dhan, dalkana ay ka dhacdo doorasho xor ah."

Sidoo kale, mdaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha ay dalka doorasho ku gaarsiinayaan inuu ka kooban yahay saddex qodob oo ah; in dib u qaabeyn lagu sameeyo dastuurka, cod kalsooni ahna loo qaado, arrinta federaaleynta dalka iyo qaybta kale oo ah inay dalka doorasho ka dhaco.

“Hadda waxaa socda dib u qaabeynta dastuurka, labada qaybood ee kalena sharciyadoodii waxay horyaallaan baarlamaanka, inta dhimanna waa in la wacyi-geliyo shacabka iyo in dowladdu ay dhaqaaq sameyso, Alle idankiis waxaan rajeynaynaa in dalka aan ka xoreyno Al-shabaab, waxaana kalsooni weyn ku qabnaa inay dhici doonto doorasho, hay’adaha dowladda oo dhana dadaalkan way wada-wadaan, mustaqbalka wixii dhici doona Alle ayaa og, balse innagu waxaan qorsheynay inay doorasho dhacdo, waxaana rajo weyn ka qabnaa inay dhici doonto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya