4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Danjire Afeey oo Xaflad soo Dhaweyn ah loogu Sameeyay Gobolka Minnesota


Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Xaflad lagu soo dhaweynayay wakiilka ururka IGAD ee arrimaha Somalia, danjire Maxammed Cabdi Afeey ayaa xalay ka dhacday magaaladan Minneapolis ee gobolka Minnesota. Iyadoo xubnihii kasoo qaybgalay oo xafladda ay hadal ka jeediyeen, ayna wax ka waydiiyeen danjire Afey halka ay xaaladda Somalia marayso iyo geeddi-socodka nabadda.

Madaxa hay’adda IHASA, Xamsa Warfaa oo hadlay ayaa ka dadweynihii ka soo qaybgalay kulanka uga warbixiyay kaalinta ay qurbo-joogtu kaga jiraan horumarka Soomaaliya iyo kaalinta Somalia ay ku leedahay aasaaska IGAD.

Sidoo kale, madaxa ururka ganacsada ee Minnesota, Maxamuud C/raxmaan Beene-Beene oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo kaalinta hore ugu jira jiheynta iyo maamulka urur-goboleedka IGAD ee ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Afrika.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa intaa kaddib hadalkii qaatay wuxuuna sheegay inuu u yimid Mareykanka shirka Qaramada Midoobay, uuna u soo maray Minneapolis marti-qaad uu ka halay Soomaalida halkan ku nool.

Afey wuxuu kaloo xusay in markii ay Soomaaliya burburay ay shacabkii u soo baxeen dibadaha, kuwaasoo noqday kuwo lagu diirsaday, isagoo intaas ku daray in haatan Soomaaliya ay uu socoto barnaamij dib u heshiisiineed loona baahan yahay in qurba-joogtu ay ahaadaan kuwa ugu horreeya ee ka qaybqaata horumarkaas.

“Dowladda Soomaaliya maanta idink ayay taageero idinka sugaysaa, sidoo kalena waa inaad idinkuna qayb weyn ku yeelaataan dib u dhiska dalkiinna, si uu dib ugu soo laabto caalamka,” ayuu yiri danjire Afey.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu intaas ku daray Afey. “Soomaaliya waa dalkii ugu horreeyay Qaaradda Afrika oo billaabay doorashooyin dimuquraadi ah. IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobayna waxay dadaal weyn ugu jiraan inay Soomaaliya ka qabsoonto doorasho sannadka 2016-ka.

Afeey oo ka wajaabayay su’aal ku saabsanayd muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda tahay mid la aqoonsan yahay, xubin firfircoonna ka ah IGAD mana jirto cid dhici karta baddeeda, dacwaddii ay gudbisay wixii kasoo baxa ayayna sugaysaa.

Su’aal kale oo ku saabsanayd kufsi ay ciidamada AMISOM ka geysatay dalka Soomaaliya ayuu sheegay inaysan ahayn wax lagu farxi karo arintaas baaris ayaana socota, wixii kasoo baxana dadka Soomaaliyeed way arki doonaan.

Danjiraha ayaa reer Minnesota inay dalkooda dib ugu laabtaan oo ay qayb ka qaataan dib u dhiska, ayna maal-gashiyo ku sameystaan, maadaama ay tahay tan lagu gaari karo dalka oo la camiro.

Ugu dambeyb, danjire Afey ayaa sheegay in ururka IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay dhageysanayaan go’aannada dowladda Somalia kasoo baxa, waayo beesha caalamku waxay doonaysaa Somalia oo nabad ah.

Siyad Said Salah, HiiraanOnline
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA