4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Hay'ada HARO oo biyo-dhaamin ka bilowday deegaano ka tirsan gobolka Gedo


Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Iyadoo gobollada dalka qaarkood ay ka jiraan abaaro saameeyey xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada ayay hay’adda samafalka ee HARO waxay howlo biyo-dhaamin ah ka billowday deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ka mid ah gobollada ay abaaruhu sida xun u saameeyeen.

Deegaanada ay hay’addu ka billowday biyo-dhaaminta ayaa waxaa ka mid ah; Daballo, Naaxiyo, Haarta-cad, Cabdi-ducaale, Labi-dhukaan, Tuulo Ceel-dheere, Kamoor-buulle, Qoriyow, Haro-faarax, Dhamas iyo Haroo oo kawada tirsan gobolka Gedo, gaar haan degmada Buulo-xaawo. Iyadoo dadka weli ku harsan deegaannadaas ay ka cabanayeen biyo la’aan xooggan.

Mas’uul ka tirsan hay’adda samafalka HARO oo aan wax ka waydiinay xilliga ay billaabeen biyo-dhaaminta ayaa sheegay in hay’addu ay biyo-dhaamintan billowday xilli hore, iyadoo qorshuhu yahay in marka hore biyaha la gaarsiiyo deegaannada ay biyo la’aantu ka jirto, waxayna mas’uuliyiintan sheegeen in ay adeegsanayaan booyado, iyadoo lagu shubayo biyaha barkado ay dadku ka dhaansadaan.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta hay’add oo ka warbixinayay cida gacan ka siinaysa howshan biyo dhaaminta ah ee ay wadaan, ayaa sheegay inay soo dhibeen walaalaha muslimiinta ah ee Waqooyiga Ameerika ku nool, iyadoo ujeedka ay gacanta uga geysanayaan ay tahay sidii dadka ay saameeyeen abaaraha looga caawin lahaa dhanka biyaha oo ah kuwa ugu daran ee ay inta badan ka cawdaan.

Shacabka ku nool deegaannada howshan laga fuliyay ayaa hay’adda samfalka HARO iyo dadkii dhaqaalaha ku deeqay uga mahadceliyay taageeradooda, iyagoo Ilaahay uga baryay dhammaantood inuu wax ka khayr badan ugu bedelo.

Ugu dambeyn, shacabka deegaannadaas ku nool ayaa dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool ka dalbaday inay u soo gurmadaan, ayna ka caawiyaan baahiyaha ay qabaan.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira abaaro aad u daran, kuwaasoo sababay in dad duunyaba ay u dhintaan baahi, kaddib markii ay abaaraha saameyn aad u xooggan ku yeeshaan deegaannadaas.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya