4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Odayaal-dhaqameed soo dhaweeyay nabadoon lagu caleemo-saaray Hiiraan


Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Kaddib kulan maanta magaalada Beledweyne ay ku yeesheen odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda mid ka mid ah beellaha gobolka Hiiraan ayeey ku taageereen nabadoon cusub oo ay beesha yeellatay.

Nabaddoon Cali Maxamed Macallin Maxamuud [Cali Dheere] oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan caleemo-saarka nabadoon Axmed C/dulle Jimcaale oo sidda uu sheegay ah shaqsi ka bixi kara howsha loo idmaday.

“Waxaan halkan u fadhinaa maanta in aan muujinno taageerada beesha ee nabadoon Axmed C/dullle Jicmaale oo lagu caleemo saaray magaalada Muqdisho, waxaan ballan-qaadeynaa in aan la shaqeyn doono,’’ ayuu yiri nabaddoon Cali Dheere.

Nabaddoonka cusub ayaa badali doona Alle ha u naxariisten nabadoon Axmed Cabdi Caalin oo dhawaan ku geeriyooday qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa xili  uu ku safrayay wadada isku xirta degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi.

Nabadoonka cusub ayaa horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, siddoo kalana waxaa uu horay u soo noqday maamuli dugsi, isaga oo mid ahaa macalimiinta sidda weyn looga garanayo gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya