4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Madaxweynaha oo Sheegay inay AMISOM bixi doonto Markay isku Fillaadaan


Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay dalka ka baxayaan markii ay dowlad ahaan isku fillaadan, isagoo xusay in qeexin xilli go’an oo ay Soomaaliya ka baxayaan.

Xasan Sheekh oo wareysi siinayay BBC-da isgaoo ku sugan New York ayaa ka hadlay hakadka la geliyay howlgalladii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula jireen, isagoo xusay inaysan jirin wax caqabad ah oo weyn oo howlgalkii socday loo joojiyay.

“Hakadka ku yimid howlgalladii socday waa mid salka ku haysa arrimo milateri, balse ma jiraan caqabado nagu kallifay oo aan howlgalkii kuu joojinnay,” ayuu Xasan Sheekh kaga jawaabay su’aal ahayd sababta hakadka loo geliyay howlgalkii ay wadajirka u wadeen ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Mar la weydiiyay su’aal kale oo ahayd in ciidamadooda iyo kuwa AMISOM oo ka badan xoogagga Al-shabaab sababta ay xal ugu heli la’yihiin ayuu kaga jawaabay inaysan xal u waayin, balse dabeecadda dagaalka ay ku jiraan uu sidaas yahay.

“Kooxdan ma ahan sida la ogyahay koox meel gaar ah oo loogu hagaajo jooga, waxaana la jooga dad ajnabi ah, dalal Somalia ka awood badan ayaana xal u la’, marka innagu ammaan ayaan mudannahay, waayo Soomaaliya waa dalka keliya ee guulo la taaban karo ka gaaray kooxahan, waad aragtaa in caalamka kale ay kusii fidayaan,” ayuu Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Su’aal ahayd, ma sheegi kartaa waqi cayiman oo aad leedihiin AMISOM uma baahnin oo madaxweynaha la weydiiyay ayuu kaga jawaabay. “Waa run taas waxaana socda dhismaha ciidamada Somalia, dowladduna dhinaca ciidanka ayay ka dhisaysaa dhinaca kalena dagaal ay ku jirtaa. Annagu hal saac inay ciidamada dalka ku sugan joogaan ma doonayno, balse waxaa la yiraahdaa shimbiriba markay baalkeeda husatay haadaaye; sidaa daraadeed marka ugu horreysan oo aan isku kalsoonnaanno waan u mahadcelin doonnaa, wana fasaxi doonnaa ciidamada noosoo gurmaday.”

Xadgudubyadii kufsiga ahaa ee ciidamada AMISOM ay kula kaceen dumar Soomaliyeed iyo doorka kaga aaddan dowladda oo la weydiiyay ayuu mar kale kaga jawaabay. “Markii ay arrintaas soo baxday dowladda dadaal ayay gashay, waxayna qoraal u dirtay Midowga Afrika, kaasoo ay ku weydiisatay inay sharraxaad kasoo bixiyaan arrintan, isla markaasna dowladdu waxay magacowday guddi si gaar ah ugu soo sameeyaan arrintan, Midowga Afrika iyagana waxaan ka sugaynaa inay sharraxaad naga soo siiyaan.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha oo la weydiiyay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya iyo inay jiraan shirar ay la leeyihiin xubno dowladda Kenya ka socda si arrinta si hoose loogu dhameeyo, ayuu kaga jawaabay.

“Arrintan muddo ayay soo taagnayd, intaan inagu imanna way taagnayd, muddo lix bilood ah ayay labada dal xubno ka socda ka hadlayeen arrintan. Markii dambena waxaan aragnay inay aad u yar tahay inuu miro-dhalo wada-xaajoodka, farqiga noo dhexeeyana uu aad u ballaran yahay, marka waxa keliya ee la sameyn karay oo xalka lagu raadin karno waxay nala noqotay inaan dacwad u gudbinno maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah oo aan labadeennuba ka tirsan-nahay. Balse arrintu ma ahan wax colaad ah, weliba dhankeenna way ka furan tahay in xalka la raadiyo, Somalia xuquuqdeedii ayay daba-joogtaa ma ahane inay Kenya iyo cid kale wax u dhibto ma doonayno.”

Ugu  dambeyn, madaxweyne Xasan oo ka hadlayay Qaramada Midoobay habeennimadii xalay ayaa sheegay in Al-shabaab la wiiqay balse aysan weli dhiman, dowladduna ay sii wadi doonto dagaalka inta ay ka cirib-tirayso kooxdan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya