4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
RW C/WELI: Xiisadda ka taagan Gaalkacyo waa in lagu dhameeyo Wadahadal


Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug inay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya, kaasoo ka dhashay muran dhinaca garoomada ah.

C/weli Sheekh ayaa ugu baaqay labada dhinac inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyee ee ku nool deegaannadaas.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in guddi wasiirro ah uu u saaray inay ka hawlgalaan khilaafka Gaalkacyo, waxaana guddigaas xiriir la samaynayaa madaxda labada dhinac si loo dabciyo xiisadda taagan.

Qoraalka uu ra’iisul wasaaruhu soo saaray ayuu ku sheegay inuu xiriirro la sameeyay madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay si qoto-dheer uga wada-hadleen arrimaha ku saabsan khilaafka, isagoo ku dhiirri-geliyay in si nabad ah loosoo afjaro muranka.

Dhanka kale, C/weli Sheekh ayaa soo dhaweeyay ifafaalaha is-fahanka ah ee labada dhinac oo ku aaddan joojinta xabbadda iyo aqbalidda wadahadal lagu soo afjarao khilaafka ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob, kuwaas oo u qornaa sidan:

1. Xukuumadda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed.

2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyadu ay ku tegi jireen deegaannadaas.

3. In si dhakhso loo billaabo wadahadal lagu dhameynayo khilaafka ka dhashay garoomada.

 4. Xukuumaddu waxay ballan-qaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhameystirka khilaafka labada dhinac.

 5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi quburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Cabdi Qaybdiid uu kaga dhawaaqay shalay magaalada Gaalkacyo in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, isagoo ka digay in xalka lagu raadiyo xabbad iyo dagaal.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya