4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Wasiirka caafimaadka Jubba oo Maanta booqday Isbitaalka guud ee Kismaayo
Sabti, Sebtember 21, 2014 (HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka maamulka Jubba Mudane Xasan Daahir Yaroow ayaa maanta kormeeray isbitalka guud ee magaalada Kismaayo isagoo booqday dhamaan waaxaha uu ka koobanyahay Isbitalka.

Wasiirka ayaa booqashadiisa kadib saxaafadda kula hadlay gudaha isbitalka waxa uuna ka warbixiyay xaaladda guud ee isbitalka magaalada Kismaayo oo ay xilligani lagu daweeynayo bukaanno qaba xanuunno kala duwan.

Masuulkan ayaa sheegay in Isbitalka guud ee magaalada Kismaayo uu imiku yahay mid ay u dhameeystiranyihiin dhamaan adeegyadii looga baahnaa isbital islamarkaana ay joogaan shaqaalo aad u badan iyo dhaqaatiir aqoontoodu aad u sareeyso.

“Isbitalka waxaa ka howlgala shaqaaale aad u badan, waxaana mushaaraadkooda bixiya hay’adaha ICRC iyo ARC, xaaladda isbitalkana waxaa la dhihi karaa burburkii kadib waa markii uu ugu wanaagsanaa,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Wasiirka ayaa wax kama jiraan ku tilmaanay warbixinno ay daabaceen qaar kamid ah warbaahinta, kuwaa oo sheegay in dawo yar ay ka jirto isbitalka, isagoo arintaasi ka jawaabayana waxa uu yiri,” Wararkaasi waa been abuur, isbitalku wuxuu heystaa dawo ku filan, shaqaale aad u badan, dhamaan waaxihii uu lahaana waxa ka howlgala dhaqaatiir aqoontoodu wanaagsantahay, marka anigu ka garanayo meesha laga keenay dhibaatada laga sheegayo isbitalka.”

Isbitalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa ah isbitalka ugu weyn ee gobollada Jubooyinka, waxaana lagu daweeyaa bukaano laga keeno guud ahaan gobollada Jubooyinka, iyadoo ay imika isbitalka jiifaanno bukaano qaba xanuunno kala duwan kuwaasoo lagu daweeynayo.

...............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.