4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Maamulka KMG ee Jubba oo Qeylo-dhaan ka Muujiyay Abaaraha Gobolka Gedo
Sabti, Sebtember 27, 2014 (HOL) :- Maamulka KMG ee Jubba ayaa qeylo dhaan ka muujiyay abaaraha ka jira gobolka Gedo kuwaasoo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolkaasi, iyagoo sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayi doonaan in ay wax gaarsiiyaan dadka ay sameeyeen abaaraha ee ku dhaqan gobolkaasi.

Madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay abaaraha ka jira gobolka Gedo.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in sameeyeen guddi wasiirro ah oo ka hortagi doona abaaraha iyo biyo la’aanta, kuwaasoo uu xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay warbixin uga keeni doonaan xaaladaha dhabta ah ee ka jira gobolka Gedo.

“Waxaan u qabannay guddi heer wasiiro ah oo aan dooneeyno in ay qeylo dhaantaas ka shaqeeyaan, arintaa abaaraha, warbixintuna iyagu ay kasoo gudbiyaan, beesha caalamkuna ay u gudbiyaan, cidii arintaa wax ka qaban karta iyo cid walba oo gurmad gaarsiin kareeyso gaarsiiso,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.

Mudane Axmed Madoobe madaxweeynaha maamulka Jubba ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ugu talo galeen in lacag dhan $50,000 (Konton kun oo Doollar) ay ugu deeqeen si wejiga koobaad ee gurmadka biyo iyo baad loogu gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku dhaqan gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa waxa ka jira abaaro aad u daran, kuwaasoo ay ku le’deen dad iyo duunyo, waxaana laga deeyrinayaa nolosha dad badan oo ku dhaqan gobolkaasi, maadaama ay weli taagantahay abaarta islamarkaana aysan jirin wax gurmad ku filan oo dadkaasi la gaarsiiyay.

.................
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.