4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2014
Qarax Khasaare Nafeed Sababay oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Gaarisa

Sabti, September 27, 2014 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof oo rayid ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen bam-gacmeed xalay lagu tuuray maqaayad raashinka laga cuno oo ku taalla bartamaha magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Taliyaha ciidanka dambi-barista gobolka Waqooyi-Bari-Kenya, Musa Yego ayaa sheegay in dad aan lag gsranay ay bambka ku tuureen Garissa Ndogo  xalay fiidkii, xilli ay joogeen dad badan oo goobtaas raashin ka cunayay.

“Bamka wuxuu ku dhacay darbiga maqaahida, taasoo aan filayno inay hoos u dhigtay khasaarihii dhalan lahaa, hadda waxaan hubnaa oo aan sheegayaa in toddoba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmen qaraxas,” ayuu yiri Yego.

Dhmmaan dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaalka Gaarisa halkaasoo lagu daweynayo, sida uu sheegay sarkaalka u hadlay booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale, dhakhaatiirta isbitaalka Gaarisa ayaa warbaahinta u sheegay in lasoo gaarsiiyay dhaawaca todoba ruux oo qaarkood ay gaareen dhaawacyo aad halis u ah, ayna ku howlan yihiin daweyntooda.

Ciidammo ka tirsan booliiska Kenya ayaa gaaray maqaayadda uu qaraxu ka dhacay iyagoo aan cidna u qaban qarax. Illaa haddana ma jirto cid si cad u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Toddobad ka hor ayay ahayd markii nin mooto wata uu xilli aroor ah bambaano ku tuuray dad hal goob ku sugnaa, taasoo sababtay in qof uu dhinto saddex kalena ay dhaawacyo soo gaaraan.

Dalka Kenya ayaa wuxuu dhibbane u ahaa sannadihii u dambeeyay weerarro is-daba-joog ah oo ay kooxo hubeysan la beegsanayeen goobaha ay dadku isugu yimaadaan, iyadoo dowladdu ay weerarradan ku eedeysay Al-shabaab.

Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay iska-horimaadyo u dhexeeya beelo Soomaaliyeed oo halkaas wada daga, iyadoo aan la ogeyn in weerarka uu qayb ka yahay dagaalladaas beelaha ku saleysan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya