4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
UHURU KENYATTA: Somalia oo Xasisha ayuu ku xiran yahay Horumarka Kenya


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Somalia oo nabad noqota ayuu horumarka Kenya ku jiraa, ayuu ka yiri madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta shir gaar ah oo Soomaaliya loogu qabtay New York, isagoo intaas ku daray inay dowladda Somalia taageerayaan illaa inta ay dalkeeda oo dhan ka nabadeynayso.

Kenyatta ayaa sheegay in amaanka Soomaaliya oo la xoojiyo ay ku xiran tahay in dalxiiskii Kenya uu dib u soo naalaado, isagoo sheegay in dalxiiska dalkiisu uu hoos u socday tan iyo markii weerarrada argagaxiso lagu soo qaaday Kenya.

“Sida aan maleynayno Al-shabaab oo laga adkaado ayay ku jirtaa in horumar siyaasadeed iyo mid nabadeed la gaaro,” ayuu yiri Kenyatta isagoo xusay in ciidamadooda Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM ay Al-shabaab deegaano badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla ay ka saareen, deegaannadaas oo dhanna hadda waa nabad.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in amni ka dhasha Somalia uu yahay kan horseedi kara ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga kooxaha ugaarsiga ku haya duur-joogta.

“Deggenaashaha Soomaaliya wuxuu dib u soo celin doonaa ganacsiga guud ee Kenya, waxaana rajeynaynaa inay taasi dhici doonto,” ayuu ku sheegay hadalkii uu ka jeediyay shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Uhuru Kenyatta ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay gacan ku siiyaan sidii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool. Isagoo xusay in xukuumadda Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ay horay u saxiixeen heeshiis dib loogu celinayo qoxootiga.  

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya ayaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmauud oo shirka wax ka guddoominayay ugu baaqay inuu muumad weyn siiyo sidii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.

“In ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa dalka Kenya ku nool; waa awood bani’aadam oo loo baahan yahay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalkooda,” ayuu mar kale ka sheegay Kenyatta shirka looga hadlaay arrimaha Soomaaliya.

Hay’adaha caalamiga ah ayuu iyagana ugu baaqay inay hubiyaan in loo isticmaalo xeryaha qoxootiga in laga soo abaabulo falal dambiyeedyo, isagoo intaas ku daray in baaritaanno ay sameeyeen ay ku ogaadeen in weerarro dhowr ah oo Kenya ka dhacay ay ahaayeen kuwo xeryaha qoxootiga laga soo abaabulay.

“Xeryaha qoxootiga looma isticmaali karo in laga soo abaabulo falal dambiyeedyo, waayo laga soo abaabulo, waayo khaladkaas waxay keeni karaan in dambiilayaashu ay dib noogu soo laabtaan oo ay innaga na ugaarsadaan,” ayuu Uhuru hadalkiisa daba-dhigay.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya