4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Qaybdiid oo Puntland ugu baaqay in wadahadal lagu dhameeyo xiisada taagan


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa shir jaraa’id oo uu Cadaado kula qabtay madaxweynaha Ximan iyo Xeeb kaga hadlay xiisadaha maamulkiisa iyo Puntland u dhexeeya, isagoo ugu baaqay Puntland in khilaafka taagan wadahadal lagu dhameeyo.

Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu diyaar u yahay in uu wadahadal la furo maamulka ay dariska yihiin ee Puntland si loo xalliyo xiisada Gaalkacyo ka taagan, colaadna aan waxba lagu raadin.

“Waxaan ugu baaqayaa wiilka aan adeerka u ahay ee Puntland madaxd ka ah in xiisadaha garoommada Gaalkacyo ka dhaltay lagu dhameeyo nabad iyo wadahadal oo aan dagaal waxba lagu raadin,” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Sidoo kale, madaxweynaha madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhaliilay dowladda Somalia inay kasoo jawaabi wayday qoraal uu u diray oo uu uga dacwoonayay Puntland, isagoo mar kale uug baaqay dowladda in ay faragelin ku sameyso xiisadda ka dhexeysa iyaga iyo maamulka Puntland.

Qaybdiid ayaa sidoo kale ka hadlay kulan uu la qaatay madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo ku saabsan maamul sameynta gobollada Galduguud iyo Mudug, isagoo xusay inay kulanka kasoo saareen afar qodob oo uu ka mid ahaa in qabashada shirka dhismaha maamulkan oo Cadaado ka dhaci doona la dar-dar-geliyo.

Dhanka kale, madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, C/llaahi Cali Maxamed oo isaguna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu dadaal u galayo sidii lagu xallin lahaa xiisadda ka taagan Gaalkacyo ee u dhexeysa maamullada Galmudug iyo Puntland.

“Tan iyo markii ay xiisaddu bilaabatay waan la xiriiranay labada madaxweyne ee Qaybdiid iyo C/weli Gaas, maanta ayaana qaadannay haddaan Ximan iyo Xeeb nahay mas’uuliyada sidii xiisaddaas loogu dhameyn lahaa nabad iyo wadahadal,” ayuu yiri C/llaahi Baarleex.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Ximan iyo Xeeb ayaa shacabka gobollada dhexe ku nool ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, ayna qaataan wixii kaalin ah ee kaga aaddan shirka lagu dhisayo maamulka wadajirka ah.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya