4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
PUNTLAND: Wixii ka dhaca Gaalkacyo waxaa mas'uul ka noqonaya Qaybdiid


Jimco, September 26, 2014 (HOL) —Madaxtooyada Garoowe waxaa maanta ka dhacay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Xukuumadda iyo saraakiisha ciidamada ammaanka ee Puntland.

Arinta ugu weyn ee shirkaas lagu gorfeeyey ayaa ahayd waxa laga yeelayo xaaladda cakiran ee garoonka magaalada Gaalkacayo, hanjabaadaha kasoo yeeray dhanka Galmudug iyo tallaabada ku haboon ee ay Puntland qaadi karto.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu faah faahiyey ujeedada shirka iyo weliba qodobadii kasoo baxay, waxaana war-saxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi uu Hiiraan Online soo gaaray ugu horreyn lagu beeniyey hadalkii Madaxweynaha Galmudug ee ahaa in loo diidey garoonka Gaalkacayo inuu kasoo dego.

HALKAN KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMYSTIRAN:





Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya