4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Soomaali u dagaalama kooxda ISIS oo sheegay inay weerar ku yihiin New York


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Kaddib markii ay beenoowday inuu dhintay, Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo ah Somali-Canadian ka bar-bar dagaalama kooxda Daacish ayaa markii ugu horreysay wareysi uu siiyay shabakad uu Mareykanku leeyahay isagoo ku sugan waddanka Ciraaq sheegay inay wadaan abaabullo ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu weerarayaan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wareysiga uu siiyay shabakadda VICE ayaa sheegay inaysan wax baqdin ah ka qabin hanjabaadaha Mareykank iyo xulufadiisa oo ay yihiin koox uu Alle garab-taagan yahay, ayna ka guuleysan doonaan ugu dambeyn.

“Illaahay idankiis, waxaan qorsheynaynaan inaan dhawaan weerar ka fulinno magaalada New York, howshaasna waxaa wada qaar ka mid ah walaalaheen oo halkaas ku sugan, Alle ayaana mahad leh,” ayuu yiri Faarax isgaoo ilko-caddeynaya. Wuxuuna ku daray hadalkiisa. “Weerarka ay abaabulayaan saaxiibbadey wuxuu noqon doonaa mid cajiib ah.”

Sidoo kale, wiilkan Soomaaliga ah ayaa u sheegay shabakadda inay ISIS ku gaartay go’aan in haddii Mareykanku uu dilo qof iyaga ka mid ah ay iyaguna dili doonaan qof iyaga ka mid ah. Isagoo xusay inay gowrici doonaan kuwa gaalada ah iyo carruurtooda.

Mar uu ka hadlayay naftiisa ayuu sheegay inuu habeen iyo maalin dagaal ku jiro, uuna u yimid Ciraaq inuu diinta difaaco. Isagoo xusay in dhallinyarada ay isla dagaalamaan ay ugu yeeraan Abu-Usamaha.

Faarax ayaa lix toddobaad ka hor warbaahinta caalamku sheegtay in lagu dilay dagaal ka dhacay Ciraaq, balse toddobaad ka hor ayuu ku qoray barta Twitter-ka uu ku leeyahay inuu nool yahay oo aanu dhiman, laakiinse uu soo gaaray dhaawac uuna hadda bogsaday.

Wiilkan wuxuu ka mid yahay tiro Soomaali ah oo ku biiray kooxda ISIS ama Daacish loo yaqaan oo ka dagaalanta qaybo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya, waxaana Soomaalida ku biirtay kooxdan ka mid ah gabdho aad u da’ yar.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay ku biiristiisa kooxda Daacish ayuu sheegay inaysan jirin cid hale ray u sheegtay, balse uu isaga go’aanday inuu kooxda Daacish ku biiro. “aniga ayaa akhirsta wargeysyada… Qur’aankana si fudud ayaan u akhrisan karaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Su’aal kale oo ahayd inay wareysi la yeesheen ciidanka sirdoon ah, shan casho ka hor intii aanu kasoo tegin dalkiisa Canada ayuu kaga jawaabay. “Dhammaan ciidamada sirdoonka waa kuwo aan waxba garanayn.” Isagoo intaas ku daray in markii hore ay isugu sheegeen inay yihiin FBI, balse ay markii dambe noqdeen ciidamada sirta dalka Canada.

Wiilkan oo uu adeer u yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa iska jeex-jeexay baasaboorkii Canada ee uu haystay markii uu tagay Ciraaq kuna biiray kooxda Daacish, isagoo u hanjabay dalalka Canada iyo Mareykanka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya