4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Hay’adda ICG oo sheegtay in Al-shabaab ay weli khatar ku tahay dalka Kenya

Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Hay’adda ka faalloota xasaradaha Adduunka ee ICG ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in weli ay Al-shabaab khatar ku tahay ammaanka dalka Kenya, iyadoo sheegtay in kharta Al-shabaab ay ku hayso Kenya ay sidii hore ka xoog badan tahay.

Warbixinta ayay hay’addu ku bilowday weerarkii Westgate ee mas’uuliyadiisa ay sheegatay oo ay muddo sannad ah kasoo wareegtay iyo kuwii kale ee ay dalkaas ka geysatay; iyadoo ICG ay xustay in hadda jirto halis weyn oo ku wajahan Kenya, iyadoo sheegtay in Kenya ay ku sugan yihiin xubno kooxda Al-shabaab ka tirsan.

Hay’addu waxay warbixinteeda ku xustay in geeridii hoggaamiyihii Al-shabaab, Godane ay keentay waxay ugu yeertay kala fur-furnaasho dhanka howl-gallada Al-shabaab ah; balse ay khatartu ay weli tahay mi taagan, lagana yaabo in Al-shabaab ay weerarto Kenya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa in qalqalka ay Al-shabaab ku hayso ammaanka dalka Kenya uu gaartay heerkii u sarreeyay oo xataa la xiray qaar ka mid ah madaxda degmooyinka oo lagu eedeeyay inay Al-shabaab ku taageereen weerarada ay ka geysanayso Kenya.

Hay’addu waxay kaloo xustay in fara-gelintii ay ciidanka Kenya ku sameeyeen Soomaaliya sannadkii 2011-kii ay abuurtay inay Al-shabaab taageero u hesho weerarrada ay ku hayso dalka Kenya, kuwaasoo dhowr jeer soo laalaabtay.

Ugu dambeyn, ICG ayaa waxay xukuumadda Kenya ugu baaqday inaysan fududeysan ka dhigan fududeysan khataraha kooxda Al-shabaab kaga imaan karaysa, oo ay si aad ah uga feejignaadaan weerarro ay kooxdan ka geysato dalkooda.

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Kenya ay amar ku bixisay in la xiro goobaha lagu barto diinta Islaamka ee ku yaalla dalkaas, iyadoo sheegtay in dhallinyarada lagu baro xagjirnimada iyo inay Al-shabaab ka qorato dhallinyarada u dagaalama.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay dagaalkooda u wareejiyeen gudaha Kenya, waxayna ka geysteen dalkaas sannadkii lasoo dhaafay weerarro ay 100-qof ka badan ku dhinteen, kuwaasoo ka dhacay deegaannada xeebta ku yaalla.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya