4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
NUSOJ oo in ka badan afartan suxufi tababar ugu soo gabagabeysay Muqdisho


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ ayaa in ka badan afartan suxufi oo isugu jira gabdho iyo wiilal kana kala yimd gobollada Banaadir, Shabeellooyinka, Jubbada Hoose iyo Bay tababar socday 23 – 25-kii bishan ugu soo gabagabeysay Muqdisho, iyadoo tababarkan ay taageeraysay safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Tababarka ayaa waxay suxufiyiintan ku barteen arrimo ay ka mid yihiin; badbaada saxafiga, gargaarka deg-degga ah, qiimeynta khataraha, tabinta wararka ku saabsan colaadaha iyo dibad-baxyada, wacyi-gelinta khataraha miinooyinka, xallinta khilaafaadyada bulshada, xuquuqda aadnaha iyo sidii uu wariyuhu isaga difaaci lahaa haddii khatari soo wajahdo.

Mas’uuliyiinta NUSOJ ayaa sheegay in tababarkan uu ahaa mid afartankaan wariye lagu barayay sidii ay u maareyn lahaayeen haddii ay khataro lasoo gudboonaadaan iyo sidii ay uga hortegi lahaayeen khatarahaas.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fursad u helo inaan qaato tababarkan oo kale, kaasoo aan ku qaatay casharro muhiim ah oo ku saabsan sidii aan isaga difaaci lahaa khataraha inta aan howl-maalmeedkeyga saxaafadeed ku jiro iyo sidii aan wararka u tabin lahaa,” ayuu yiri Cali Ilyaas Cabdullaahi oo ka tirsan idaacadda Warsan ee Baydhabo iyo telefishinka Horn-Cable oo uu uga soo warramo Baydhabo. Isagoo intaas ku daray. “Runtii tababarkan ma ahan mid sahlan, waayo wuxuu ahaa mid aan ku bartay sidii aan nafteyda ku badbaadin lahaa. NUSOJ waxaan ugu baaqayaa inay tababarkan oo kale siiso suxufiyiinta ka howlgala Baydhabo oo aan filayo inay tababarkan oo kale si aad ah ugu baahan yihiin.”

Sidoo kale, Cali Ilyaas wuxuu ka hadlay weerar uu kala kulmay kooxo aad uga carooday war uu tabiyay oo ku saabsan dhismaha maamulka saddexda gobol xilli uu Baydhabo ku sugnaa, isagoo yiri.

“Way i garaaceen, waxay damceen inay rasaas igu furan, laakiinse booliiska ayaa iga badbaadiyay,” ayuu yiri Cali Ilyaas oo intaas ku daray. “Haddii aan tababarkan oo kale qabi lahaa maalintaas, arrintan oo kale iguma dhacdeen.”

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo xirtaanka tababarka ka hadlay ayaa uga safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi uga mahad-celiyay taageerada ay ku bixinayso sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta suxufuiyiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay suxufiyiintii ka qaybgalay tababarkan saddexda maalmood socday.

“Taageerada Mareykanku uu u fidinayo suxufiyiinta Soomaaliyeed waa mid aad muhiim u ah, iyadoo suxufiyiintu ay tababarkan ka heleen casharro la xiriira sidii ay naftooda u badbaadin lahaayeen xilliyada ay howlahooda ku gudo-jiraan, iyagoo ka helay xirfado la xiriira sida loo tabiyo wararka xilliga colaaduhu jiraan,” ayuu yiri Ibaarhim oo intaas ku daray. “Suxufiyiintan ka qaybgalay tababarka oo ka badnaa 40 waxay ka kala socdeen 35 xarumood oo warbaahineed oo ku kala yaalla, Muqdisho, Jowhar, Afgooye, Baydhabo iyo Kismaayo, iyadoo ay suxufiyiintu isugu jireen rag iyo dumar.”

Gabagabadii, wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo soo xiray tababarkan ayaa sheegay in tababarkan uu muhiimad weyn u leeyahay howlaha suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena u mahad-celiyay ururka suxufiyiinta NUSOJ oo uu sheegay inuu u taagan yahay mar walba sidii uu sare ugu qaadi lahaa aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa guddoonsiiyay suxufiyiintii tababarka qaadatay shahaadooyin muujinaya ka qaybgalka tababarkan, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay tababarkan oo kale la siiyo suxufiyiin ka kala yimid gobollo kala duwan oo dalka ah.

Ugu yaraan 30 wariye iyo xubno ka shaqeeya warbaahinta ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011-kii, taasoo dalka ka dhigtay midka ugu khatarta badan caalamka ee ay suxufiyiintu ka shaqeeyaan. Waxaana lagu soo beegay tababarkan xilli ay weli jirto kharta ay la kulmaan wariyeyaasha.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya