4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Taageeray Dhismaha Maamullada Soomaaliya


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo khudbad ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo maamullada loo sameynayo gobollada Soomaaliya.

Desalegn ayaa sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay arrimaha maamul u sameynta gobollada dalka, wuxuuna soo dhaweeyay shirarka maamullada lagu dhisayo ee xilligan ka socda gobollada looga Soomaaliya qaarkood.

“Dhismaha maamul goboleedyada Soomaaliya waa kuwo lagu soo afjari karo dhibaatadii muddada dheer soo jirtay. Dowladda federaalka Somalia waxaan ugu baaqay inay xoogga saarto dhismaha maamul goboleedyada dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale, wuxuu xusay inuu jiro shaki ay siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed ka qabaan inay dowladda Itoobiya ay dabada ka riixayso dhismaha maamul-goboleedyada Soomaaliya, balse aanay taasi ahayn mid ay wax ka jiran.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa dhanka kale ka hadlay amniga Somalia iyo dagaalka lagula jiro Itoobiya, Al shabaab isagoo xusay in Al-shabaab ay ku taagan tahay waddadii burburka.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayuu xusay inay hadda ku wajahan yihiin goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay Soomaaliya, uuna rajo ka qabo inay ka saaraan.

Ugu dambeyn, Desaleng ayaa sheegay in Somalia ay ku taagan tahay jidkii nabadda iyo horumarka, wuxuuna caalamka ugu baaqay inay gacan siiyaan dowladda Soomaaliya si ay ugu guuleysato hadafyadeeda ku aaddan nabad kusoo dabaalidda dalkeeda.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo Al-shabaab kula dagaalamaya deegaanno ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya